1 Korintos 14
Hadiyadaha Wax Sii Sheegidda Iyo Kuhadlidda Afafka Kale
1 Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan.2 Waayo, kii af uusan aqoon ku hadlaa, lama hadlo dadka, wuxuuse la hadlaa Ilaah, waayo, ninna ma garto; laakiin Ruuxa ayaa waxyaalaha qarsoon kaga dhex hadliya.3 Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh.
4 Kii af uusan aqoon ku hadlaa wuu isdhisaa, laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dhisaa kiniisadda.
5 Waxaan jeclaan lahaa inaad dhammaantiin afaf ku wada hadashaan, laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Kii afaf ku hadlaa hadduusan fasirin, waxaa ka sii weyn kii wax sii sheega, si ay kiniisaddu u hesho wax ay ku dhisanto.
6 Laakiin hadda, walaalayaalow, haddaan idiin imaado, anigoo afaf ku hadlaya, maxaan idiin tari doonaa, haddaanan idinkula hadlin muujin ama aqoon ama wax sii sheegid ama waxbarid?
7 Xataa waxyaalo aan naf lahayni markay dhawaaqaan, ha ahaadeen ama biibiile ama kataarad, haddaanay dhawaaqa kala soocin, sidee baa loo kala garanayaa waxa la yeedhiyo ama waxa kataaradda laga dhawaajiyo?
8 Hadduu buunku ku dhawaaqo cod aan la kala garan, yaa dagaal isu diyaargarayn doona?
9 Sidaasoo kalena idinku markaad af ku hadashaan haddaydnan ku hadlin hadal la garto, sidee baa loo garanayaa waxa lagu hadlayo? Waayo, dabayshaad la hadlaysaan.10 Mindhaa waxaa dunida jira codad badan oo kala cayn ah, oo mid aan micne lahayni ma jiro.11 Haddaba haddaanan garanaynin micnaha codka, waxaan kii hadlaya u ahaan doonaa nin qalaad, kan hadlayaana nin qalaad ayuu ii ahaan doonaa.
12 Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda.
13 Sidaa daraaddeed kii af ku hadlaa, Ilaah ha ka baryo si uu u fasiro.14 Waayo, haddaan Ilaah af aanan oqoon ku baryo, ruuxayga ayaa barya, laakiin garashadaydu faa'iido ma leh.15 Maxaa jira haddaba? Ruuxa ayaan Ilaah ku baryi doonaa, laakiin waxaan kaloo isaga ku baryi doonaa garashada. Ruuxa ayaan ku heesi doonaa, oo garashadana waan ku heesi doonaa.16 Haddii kale haddaad ruuxa ku ducaysid, kii meesha jooga oo aan garanaynin, sidee buu u odhan doonaa, Aamiin, markaad mahadnaqaysid, hadduusan garanaynin waxaad leedahay?17 Si wanaagsan baad u mahadnaqdaa, laakiin kan kale ma dhisna.18 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inaan afaf ku hadlo intaad dhammaantiin ku hadashaan in ka badan,
19 laakiin kiniisadda dhexdeeda, meeshii aan toban kun oo eray af kaga hadli lahaa, waxaan ka jeclaan lahaa inaan shan eray garashadayda ku hadlo inaan kuwa kalena wax baro.
20 Walaalayaalow, carruur ha ka noqonina xagga maanka, xagga xumaantase dhallaan ka ahaada, laakiin xagga maanka dad waaweyn ka ahaada.21 Waxaa sharciga ku qoran, Waxaan dadkan kula hadli doonaa afaf qalaad iyo bushimo dad kale, oo xataa sidaa daraaddeed ima maqli doonaan, ayuu Rabbigu leeyahay.22 Haddaba afafku calaamo uma aha kuwa rumaysta ee waxay calaamo u yihiin kuwa aan rumaysan, wax sii sheegidduse calaamo uma aha kuwa aan rumaysan, laakiin waxay calaamo u tahay kuwa rumaysta.23 Haddaba haddii kiniisadda oo dhammu isu timaado, oo ay ku wada hadlaan afaf, oo haddii dad aan garanaynin ama aan rumaysanayni soo galaan, miyaanay odhanaynin, Waad waalan tihiin?24 Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa.
25 Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.
Waa In Ilaah Si Hagaagsan Loo Caabudo
26 Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin.27 Haddii nin uun af ku hadlo, ha ahaadeen laba, ama hadday u bataan, saddex, oo midba markiisa ha hadlo, midna ha fasiro,28 laakiin haddaan mid fasiraa jirin, kiniisadda ha ka aamusnaado, oo isagu ha la hadlo qudhiisa iyo Ilaah.29 Nebiyadana laba ama saddex ha hadleen, kuwa kalena ha kala xukumeen waxay leeyihiin.30 Laakiin haddii wax loo muujiyo mid ag fadhiya, kii hore ha aamuso.31 Waayo, dhammaantiin mid mid baad wax u sii wada sheegi kartaan, si ay dhammaan wax u bartaan oo dhammaan loogu wada gargaaro.32 Oo ruuxyada nebiyadu waa ka dambeeyaan nebiyada.
33 Waayo, Ilaah ma aha Ilaaha iskuqasnaanta, laakiin waa kan nabadda. Kiniisadaha quduusiinta oo dhan dhexdoodana waa sidaas oo kale.
34 Dumarku markay kiniisadaha joogaan ha aamuseen, waayo, looma fasixin inay hadlaan; laakiin ha dambeeyeen, sida uu sharcigu leeyahay.35 Hadday doonayaan inay wax bartaan, nimankooda ha ku weyddiiyeen guriga, maxaa yeelay, waa ku ceeb naag inay kiniisadda dhexdeeda ku hadasho.
36 Maxaa jira! Ma idinkay ahaayeen kuwii uu ereyga Ilaah ka soo baxay, mise keligiin buu idiin yimid?
37 Nin uun hadduu isu maleeyo inuu nebi yahay, ama mid Ruuxa raaca, ha garto waxyaalahaan idiin soo qorayo inay yihiin qaynuunka Rabbiga.
38 Nin uuni hadduusan ogayn tan, isagana lama yaqaan.
39 Taa aawadeed, walaalahayow, ku dadaala inaad wax sii sheegtaan, hana diidina in afaf lagu hadlo,40 laakiin wax walba ha loo sameeyo si habboon oo hagaagsan.
1 Corinthians 14
1 Follow after love; yet desire earnestly spiritual gifts, but rather that ye may prophesy.2 For he that speaketh in a tongue speaketh not unto men, but unto God; for no man understandeth; but in the spirit he speaketh mysteries.3 But he that prophesieth speaketh unto men edification, and exhortation, and consolation.4 He that speaketh in a tongue edifieth himself; but he that prophesieth edifieth the church.5 Now I would have you all speak with tongues, but rather that ye should prophesy: and greater is he that prophesieth than he that speaketh with tongues, except he interpret, that the church may receive edifying.6 But now, brethren, if I come unto you speaking with tongues, what shall I profit you, unless I speak to you either by way of revelation, or of knowledge, or of prophesying, or of teaching?7 Even things without life, giving a voice, whether pipe or harp, if they give not a distinction in the sounds, how shall it be known what is piped or harped?8 For if the trumpet give an uncertain voice, who shall prepare himself for war?9 So also ye, unless ye utter by the tongue speech easy to be understood, how shall it be known what is spoken? for ye will be speaking into the air.10 There are, it may be, so many kinds of voices in the world, and no kind is without signification.11 If then I know not the meaning of the voice, I shall be to him that speaketh a barbarian, and he that speaketh will be a barbarian unto me.12 So also ye, since ye are zealous of spiritual gifts, seek that ye may abound unto the edifying of the church.13 Wherefore let him that speaketh in a tongue pray that he may interpret.14 For if I pray in a tongue, my spirit prayeth, but my understanding is unfruitful.15 What is it then? I will pray with the spirit, and I will pray with the understanding also: I will sing with the spirit, and I will sing with the understanding also.16 Else if thou bless with the spirit, how shall he that filleth the place of the unlearned say the Amen at thy giving of thanks, seeing he knoweth not what thou sayest?17 For thou verily givest thanks well, but the other is not edified.18 I thank God, I speak with tongues more than you all:19 howbeit in the church I had rather speak five words with my understanding, that I might instruct others also, than ten thousand words in a tongue.20 Brethren, be not children in mind: yet in malice be ye babes, but in mind be men.21 In the law it is written, By men of strange tongues and by the lips of strangers will I speak unto this people; and not even thus will they hear me, saith the Lord.22 Wherefore tongues are for a sign, not to them that believe, but to the unbelieving: but prophesying is for a sign, not to the unbelieving, but to them that believe.23 If therefore the whole church be assembled together and all speak with tongues, and there come in men unlearned or unbelieving, will they not say that ye are mad?24 But if all prophesy, and there come in one unbelieving or unlearned, he is reproved by all, he is judged by all;25 the secrets of his heart are made manifest; and so he will fall down on his face and worship God, declaring that God is among you indeed.26 What is it then, brethren? When ye come together, each one hath a psalm, hath a teaching, hath a revelation, hath a tongue, hath an interpretation. Let all things be done unto edifying.27 If any man speaketh in a tongue, let it be by two, or at the most three, and that in turn; and let one interpret:28 but if there be no interpreter, let him keep silence in the church; and let him speak to himself, and to God.29 And let the prophets speak by two or three, and let the others discern.30 But if a revelation be made to another sitting by, let the first keep silence.31 For ye all can prophesy one by one, that all may learn, and all may be exhorted;32 and the spirits of the prophets are subject to the prophets;33 for God is not a God of confusion, but of peace. As in all the churches of the saints,34 let the women keep silence in the churches: for it is not permitted unto them to speak; but let them be in subjection, as also saith the law.35 And if they would learn anything, let them ask their own husbands at home: for it is shameful for a woman to speak in the church.36 What? was it from you that the word of God went forth? or came it unto you alone?37 If any man thinketh himself to be a prophet, or spiritual, let him take knowledge of the things which I write unto you, that they are the commandment of the Lord.38 But if any man is ignorant, let him be ignorant.39 Wherefore, my brethren, desire earnestly to prophesy, and forbid not to speak with tongues.40 But let all things be done decently and in order.