1 Korintos 3
Iskala-Qaybinta Waa Laga Digay
1 Anna, walaalayaalow, idiinlama aan hadli karin sida idinkoo ruuxa raaca, laakiin idinkoo jidhka raaca sida kuwo ilmo yaryar ah oo ku jira Masiix.2 Waxaan idin siiyey caano ee idinma aan siin cunto, waayo, weli ma aydaan cuni karin, haatanna weli ma aad kartaan.3 Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn?4 Waayo, markii mid yidhaahdo, Anigu waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos, mid kalena, Anna Abolloos, miyaanaydin dad ahayn?5 Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga.6 Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey.7 Taa aawadeed waxba ma aha kan beeraa, ama kan waraabiyaa, laakiin waa Ilaah kan koriyaa.8 Kan beeraa iyo kan waraabiyaa waa isku mid, laakiin mid kastaa wuxuu heli doonaa abaalkiis siday hawshiisu ahayd.
9 Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.
Macallimiinta Mas'uuliyaddooda
10 Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.11 Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.12 Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal,13 nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona.14 Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho, abaal buu heli doonaa.
15 Nin uun haddii shuqulkiisu gubto, wuu khasaari doonaa, isaga qudhiisuse wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa.
16 Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro?
17 Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo, isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa quduus, kaad idinku tihiin.
18 Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho.19 Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa,20 oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin.21 Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh,22 ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh.23 Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.
1 Corinthians 3
1 And I, brethren, could not speak unto you as unto spiritual, but as unto carnal, as unto babes in Christ.2 I fed you with milk, not with meat; for ye were not yet able to bear it: nay, not even now are ye able;3 for ye are yet carnal: for whereas there is among you jealousy and strife, are ye not carnal, and do ye not walk after the manner of men?4 For when one saith, I am of Paul; and another, I am of Apollos; are ye not men?5 What then is Apollos? and what is Paul? Ministers through whom ye believed; and each as the Lord gave to him.6 I planted, Apollos watered; but God gave the increase.7 So then neither is he that planteth anything, neither he that watereth; but God that giveth the increase.8 Now he that planteth and he that watereth are one: but each shall receive his own reward according to his own labor.9 For we are God’s fellow-workers: ye are God’s husbandry, God’s building.10 According to the grace of God which was given unto me, as a wise masterbuilder I laid a foundation; and another buildeth thereon. But let each man take heed how he buildeth thereon.11 For other foundation can no man lay than that which is laid, which is Jesus Christ.12 But if any man buildeth on the foundation gold, silver, costly stones, wood, hay, stubble;13 each man’s work shall be made manifest: for the day shall declare it, because it is revealed in fire; and the fire itself shall prove each man’s work of what sort it is.14 If any man’s work shall abide which he built thereon, he shall receive a reward.15 If any man’s work shall be burned, he shall suffer loss: but he himself shall be saved; yet so as through fire.16 Know ye not that ye are a temple of God, and that the Spirit of God dwelleth in you?17 If any man destroyeth the temple of God, him shall God destroy; for the temple of God is holy, and such are ye.18 Let no man deceive himself. If any man thinketh that he is wise among you in this world, let him become a fool, that he may become wise.19 For the wisdom of this world is foolishness with God. For it is written, He that taketh the wise in their craftiness:20 and again, The Lord knoweth the reasonings of the wise that they are vain.21 Wherefore let no one glory in men. For all things are yours;22 whether Paul, or Apollos, or Cephas, or the world, or life, or death, or things present, or things to come; all are yours;23 and ye are Christ’s; and Christ is God’s.