1 Korintos 5
Sino Aad U Xun
1 Meel walba waxaa laga maqlay in dhexdiinna ay sino ku jirto, sinada caynkaas ahna xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ma qabaan, taasoo ah inuu midkiin naagtii aabbihii haysto.2 Weliba waad kibirsan tihiin, kamana aydnaan caloolxumaan, si kii waxaas sameeyey dhexdiinna looga saaro.3 Waayo, runtii, in kastoo jidhkaygu idinka maqan yahay, ruuxaygu waa idinla joogaa, oo sidii aniga oo jooga ayaan kii waxaas sameeyey ku xukumay4 magaca Rabbigeenna Ciise. Markaad idinka iyo ruuxayguba isugu timaadaan xoogga Rabbigeenna Ciise,5 waa inaad kaasoo kale Shayddaanka u dhiibtaan in jidhku baabba'o, ruuxuse badbaado maalinta Rabbiga.6 Faankiinnu ma wanaagsana. Miyeydnaan garanaynin in in yar oo khamiir ah ay cajiinka oo dhan khamiiriso?7 Khamiirkii hore iska safeeya inaad noqotaan cajiin cusub sidii idinkoo aan khamiirsanayn. Waayo, Masiixa ah Kormariddeenna waa la sadqeeyey.
8 Haddaba yeynan ku iidin khamiirkii hore ama khamiirka xumaanta iyo sharka, laakiin aan ku iidno kibista khamiirka la' ee daacadda iyo runta ah.
9 Waxaan warqaddaydii idiinku soo qoray inaydnaan kuwa sinaysta raacin.10 Ulama jeedo kuwa sinaysta ee dunidan, iyo kuwa damaca badan iyo kuwa wax dulma, iyo kuwa sanamka caabuda, waayo, hadday sidaas tahay waxay noqon lahayd inaad dunida ka baxdaan.11 Laakiin hadda waxaan idiin soo qoray, Ha raacina qof walaal la yidhaahdo hadduu sinaysto, ama wax badan damco, ama sanam caabudo, ama wax caayo, ama sakhraamo, ama wax dulmo. Waa inaydnaan kaasoo kale xataa wax la cunin.12 Waayo, maxaa iigu jira inaan xukumo kuwa dibadda ah? Idinku miyeydnaan xukumin kuwa gudaha ku jira?13 Kuwa dibadda ah Ilaah baa xukuma. Idinkuse kan sharka leh dhexdiinna ka saara.
1 Corinthians 5
1 It is actually reported that there is fornication among you, and such fornication as is not even among the Gentiles, that one of you hath his father’s wife.2 And ye are puffed up, and did not rather mourn, that he that had done this deed might be taken away from among you.3 For I verily, being absent in body but present in spirit, have already as though I were present judged him that hath so wrought this thing,4 in the name of our Lord Jesus, ye being gathered together, and my spirit, with the power of our Lord Jesus,5 to deliver such a one unto Satan for the destruction of the flesh, that the spirit may be saved in the day of the Lord Jesus.6 Your glorying is not good. Know ye not that a little leaven leaveneth the whole lump?7 Purge out the old leaven, that ye may be a new lump, even as ye are unleavened. For our passover also hath been sacrificed, even Christ:8 wherefore let us keep the feast, not with old leaven, neither with the leaven of malice and wickedness, but with the unleavened bread of sincerity and truth.9 I wrote unto you in my epistle to have no company with fornicators;10 not at all meaning with the fornicators of this world, or with the covetous and extortioners, or with idolaters; for then must ye needs go out of the world:11 but as it is, I wrote unto you not to keep company, if any man that is named a brother be a fornicator, or covetous, or an idolater, or a reviler, or a drunkard, or an extortioner; with such a one no, not to eat.12 For what have I to do with judging them that are without? Do not ye judge them that are within?13 But them that are without God judgeth. Put away the wicked man from among yourselves.