previous next

1 Tesaloniika 5

1 Walaalayaalow, uma baahnidin in laydiin soo qoro wax ku saabsan wakhtiyada iyo xilliyada.2 Waayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado.3 Markay leeyihiin, Waa nabad iyo salaamad, kolkaasaa filashola'aan halaaggu u qaban doonaa sida fooshu naag uur leh u qabato; iyaguna sinaba ugama baxsan doonaan.4 Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.5 Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;6 sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno.7 Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan.8 Laakiin innagoo kuwa maalinta ah aan feeyignaanno, oo gashanno hubka laabta oo rumaysadka iyo jacaylka ah iyo koofiyadda rajada badbaadada ah.9 Waayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix,10 kan inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba.

11 Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.

Waanada Iyo Dhammaadka

12 Laakiinse waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow, inaad maamuustaan kuwa idinku dhex hawshooda, oo xagga Rabbiga idinkaga sarreeya oo idinla taliya;13 oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.14 Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.15 Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.16 Had iyo goorba farxa.17 Joogsila'aanna tukada.18 Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.19 Ruuxa ha deminina.20 Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.21 Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.

22 Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.
23 Ilaaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.

24 Kan idiin yeedhaa waa aamin, wuuna samayn doonaa.

25 Walaalayaalow, noo soo duceeya.
26 Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.

27 Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.
28 Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

1 Thessalonians 5

1 But concerning the times and the seasons, brethren, ye have no need that aught be written unto you.2 For yourselves know perfectly that the day of the Lord so cometh as a thief in the night.3 When they are saying, Peace and safety, then sudden destruction cometh upon them, as travail upon a woman with child; and they shall in no wise escape.4 But ye, brethren, are not in darkness, that that day should overtake you as a thief:5 for ye are all sons of light, and sons of the day: we are not of the night, nor of darkness;6 so then let us not sleep, as do the rest, but let us watch and be sober.7 For they that sleep sleep in the night: and they that are drunken are drunken in the night.8 But let us, since we are of the day, be sober, putting on the breastplate of faith and love; and for a helmet, the hope of salvation.9 For God appointed us not into wrath, but unto the obtaining of salvation through our Lord Jesus Christ,10 who died for us, that, whether we wake or sleep, we should live together with him.11 Wherefore exhort one another, and build each other up, even as also ye do.12 But we beseech you, brethren, to know them that labor among you, and are over you in the Lord, and admonish you;13 and to esteem them exceeding highly in love for their work’s sake. Be at peace among yourselves.14 And we exhort you, brethren, admonish the disorderly, encourage the fainthearted, support the weak, be longsuffering toward all.15 See that none render unto any one evil for evil; but always follow after that which is good, one toward another, and toward all.16 Rejoice always;17 pray without ceasing;18 in everything give thanks: for this is the will of God in Christ Jesus to you-ward.19 Quench not the Spirit;20 despise not prophesyings;21 prove all things; hold fast that which is good;22 abstain from every form of evil.23 And the God of peace himself sanctify you wholly; and may your spirit and soul and body be preserved entire, without blame at the coming of our Lord Jesus Christ.24 Faithful is he that calleth you, who will also do it.25 Brethren, pray for us.26 Salute all the brethren with a holy kiss.27 I adjure you by the Lord that this epistle be read unto all the brethren.28 The grace of our Lord Jesus Christ be with you.