previous next

Falimaha Rasuullada 13

Kiniisaddii Antiyokh Ku Tiil

1 Haddaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos.2 Oo markay Rabbiga caabudayeen oo soomanaayeen ayaa Ruuxa Quduuska ahu wuxuu ku yidhi, Barnabas iyo Sawlos iigu sooca shuqulkii aan ugu yeedhay.

3 Markay soomeen oo duceeyeen oo gacmahoodii saareen dabadeed ayay direen iyagii.

Barnabas Iyo Sawlos Oo Qubrus Jooga

4 Haddaba iyagoo Ruuxa Quduuska ahu soo diray waxay tageen Selukiya; meeshaasna waxay uga dhoofeen Qubrus.5 Oo kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen.6 Oo kolkay gasiiraddii oo dhan dhex mareen ayay waxay yimaadeen Bafos, taas oo ay kala kulmeen nin saaxir ah oo ahaa nebi been ah oo Yuhuudi ah oo magiciisa la odhan jiray Barciise;7 kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo.8 Laakiin waxaa iyagii ka hor istaagay saaxirka Elumas (oo sidaas magiciisa loo fasiri jiray), oo wuxuu isku dayayay inuu taliyihii ka leexiyo iimaanka.9 Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey,10 oo ku yidhi, Kaaga khiyaanada iyo xumaanta oo dhammu ka buuxsantay oo ah wiilka Ibliiska iyo cadowga xaqnimada oo dhan, miyaanad ka joogsanayn qalloocinta aad ku qalloocinaysid jidadka toosan oo Rabbiga?11 Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga.

12 Kolkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa.

Bawlos Yuhuudduu Ku Dhex Wacdiyey Magaalada Antiyokh

13 Haddaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday.14 Laakiin iyagu kolkii ay ka tageen Berga waxay yimaadeen Antiyokh oo Bisidiya ku jirta; oo maalintii sabtidana sunagogga ayay galeen oo fadhiisteen.15 Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.

16 Markaasaa Bawlos istaagay isagoo gacan haadinaya, oo wuxuu yidhi.
17 Ilaaha dadkan reer binu Israa'iil wuxuu doortay awowayaasheen, dadkana buu sarraysiiyey markay dhulka Masar degganaayeen, oo gacan taagan buuna kaga soo saaray iyagii.18 Oo wakhti abbaaraha afartan sannadood ah ayuu dabiicaddoodii ugu dulqaatay cidlada.19 Oo markuu toddoba quruumood ka baabbi'iyey dhulka Kancaan dabadeed ayuu dhulkoodii dhaxal u siiyey iyagii abbaaraha afar boqol iyo konton sannadood;20 waxyaalahaas dabadeedna wuxuu siiyey xaakinno ilaa nebi Samuu'eel.21 Dabadeed waxay weyddiisteen boqor, markaasaa Ilaah wuxuu iyagii siiyey Saa'uul ina Qiish oo ahaa nin reer Benyaamiin intii afartan sannadood ah.22 Kolkuu isagii boqortooyadii ka wareejiyeyna, wuxuu u kiciyey iyagii Daa'uud inuu boqorkooda noqdo; kaasoo uu u markhaati furay isagoo leh, Waxaan ogaaday Daa'uud oo ina Yesay ah inuu yahay nin ah sida qalbigaygu doonayo oo samayn doona waxaan doonayo oo dhan.23 Ninkan farcankiisii Ilaah siduu ballanqaaday ayuu Israa'iil ugaga keenay Badbaadiye kaasoo ah Ciise;24 oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.

25 Oo intii Yooxanaa shuqulkiisa dhammaynayay, wuxuu yidhi, Yaad u malaynaysaan inaan ahay? Anigu isagii ma ihi. Laakiin, bal eega, waxaa iga daba imanaya mid aanan istaahilin inaan kabaha cagihiisa ka furo.
26 Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.28 Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.29 Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.30 Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,31 oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka.32 Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday,33 oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay.34 Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.35 Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay;37 laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin.38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;39 nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.40 Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,

41 Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
42 Kolkay baxayeen, dadkii waxay ka baryeen inay hadalladaas sabtida dambe kula hadlaan.

43 Haddaba markii sunagogga laga tegey, kuwa badan oo Yuhuud ah iyo kuwa cibaadaysan oo Yuhuudda raacsan ayaa waxay raaceen Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo la hadlayay iyaga oo ku adkeeyey inay nimcada Ilaah ku sii wadaan.

Rasuulladii Waxay U Jeesteen Dadka Aan Yuhuudda Ahayn

44 Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah.45 Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.46 Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn.47 Inaad badbaadinta u noqotid ilaa meeshii dunida ugu fog.

48 Haddaba markii dadkii aan Yuhuudda ahayn taas maqleen, ayay ku farxeen oo ereygii Ilaah ammaaneen; oo waxaana rumaystay kuwii nolosha weligeed ah loo dhigay.
49 Ereygii Rabbigana waxaa lagu faafiyey waddankii oo dhan.50 Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.51 Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon.52 Xertiina waxaa ka buuxsamay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah.

Acts 13

1 Now there were at Antioch, in the church that was there, prophets and teachers, Barnabas, and Symeon that was called Niger, and Lucius of Cyrene, and Manaen the foster-brother of Herod the tetrarch, and Saul.2 And as they ministered to the Lord, and fasted, the Holy Spirit said, Separate me Barnabas and Saul for the work whereunto I have called them.3 Then, when they had fasted and prayed and laid their hands on them, they sent them away.4 So they, being sent forth by the Holy Spirit, went down to Seleucia; and from thence they sailed to Cyprus.5 And when they were at Salamis, they proclaimed the word of God in the synagogues of the Jews: and they had also John as their attendant.6 And when they had gone through the whole island unto Paphos, they found a certain sorcerer, a false prophet, a Jew, whose name was Bar-jesus;7 who was with the proconsul, Sergius Paulus, a man of understanding. The same called unto him Barnabas and Saul, and sought to hear the word of God.8 But Elymas the sorcerer (for so is his name by interpretation) withstood them, seeking to turn aside the proconsul from the faith.9 But Saul, who is also called Paul, filled with the Holy Spirit, fastened his eyes on him,10 and said, O full of all guile and all villany, thou son of the devil, thou enemy of all righteousness, wilt thou not cease to pervert the right ways of the Lord?11 And now, behold, the hand of the Lord is upon thee, and thou shalt be blind, not seeing the sun for a season. And immediately there fell on him a mist and a darkness; and he went about seeking some to lead him by the hand.12 Then the proconsul, when he saw what was done, believed, being astonished at the teaching of the Lord.13 Now Paul and his company set sail from Paphos, and came to Perga in Pamphylia: and John departed from them and returned to Jerusalem.14 But they, passing through from Perga, came to Antioch of Pisidia; and they went into the synagogue on the sabbath day, and sat down.15 And after the reading of the law and the prophets the rulers of the synagogue sent unto them, saying, Brethren, if ye have any word of exhortation for the people, say on.16 And Paul stood up, and beckoning with the hand said, Men of Israel, and ye that fear God, hearken:17 The God of this people Israel chose our fathers, and exalted the people when they sojourned in the land of Egypt, and with a high arm led he them forth out of it.18 And for about the time of forty years as a nursing-father bare he them in the wilderness.19 And when he had destroyed seven nations in the land of Canaan, he gave them their land for an inheritance, for about four hundred and fifty years:20 and after these things he gave them judges until Samuel the prophet.21 And afterward they asked for a king: and God gave unto them Saul the son of Kish, a man of the tribe of Benjamin, for the space of forty years.22 And when he had removed him, he raised up David to be their king; to whom also he bare witness and said, I have found David the son of Jesse, a man after My heart, who shall do all My will.23 Of this man’s seed hath God according to promise brought unto Israel a Saviour, Jesus;24 when John had first preached before his coming the baptism of repentance to all the people of Israel.25 And as John was fulfilling his course, he said, What suppose ye that I am? I am not he. But behold, there cometh one after me the shoes of whose feet I am not worthy to unloose.26 Brethren, children of the stock of Abraham, and those among you that fear God, to us is the word of this salvation sent forth.27 For they that dwell in Jerusalem, and their rulers, because they knew him not, nor the voices of the prophets which are read every sabbath, fulfilled them by condemning him.28 And though they found no cause of death in him, yet asked they of Pilate that he should be slain.29 And when they had fulfilled all things that were written of him, they took him down from the tree, and laid him in a tomb.30 But God raised him from the dead:31 and he was seen for many days of them that came up with him from Galilee to Jerusalem, who are now his witnesses unto the people.32 And we bring you good tidings of the promise made unto the fathers,33 that God hath fulfilled the same unto our children, in that he raised up Jesus; as also it is written in the second psalm, Thou art my Son, this day have I begotten thee.34 And as concerning that he raised him up from the dead, now no more to return to corruption, he hath spoken on this wise, I will give you the holy and sure blessings of David.35 Because he saith also in another psalm, Thou wilt not give Thy Holy One to see corruption.36 For David, after he had in his own generation served the counsel of God, fell asleep, and was laid unto his fathers, and saw corruption:37 but he whom God raised up saw no corruption.38 Be it known unto you therefore, brethren, that through this man is proclaimed unto you remission of sins:39 and by him every one that believeth is justified from all things, from which ye could not be justified by the law of Moses.40 Beware therefore, lest that come upon you which is spoken in the prophets:

41 Behold, ye despisers, and wonder, and perish; For I work a work in your days, A work which ye shall in no wise believe, if one declare it unto you.

42 And as they went out, they besought that these words might be spoken to them the next sabbath.43 Now when the synagogue broke up, many of the Jews and of the devout proselytes followed Paul and Barnabas; who, speaking to them, urged them to continue in the grace of God.44 And the next sabbath almost the whole city was gathered together to hear the word of God.45 But when the Jews saw the multitudes, they were filled with jealousy, and contradicted the things which were spoken by Paul, and blasphemed.46 And Paul and Barnabas spake out boldly, and said, It was necessary that the word of God should first be spoken to you. Seeing ye thrust it from you, and judge yourselves unworthy of eternal life, lo, we turn to the Gentiles.47 For so hath the Lord commanded us, saying, I have set thee for a light of the Gentiles, That thou shouldest be for salvation unto the uttermost part of the earth.

48 And as the Gentiles heard this, they were glad, and glorified the word of God: and as many as were ordained to eternal life believed.49 And the word of the Lord was spread abroad throughout all the region.50 But the Jews urged on the devout women of honorable estate, and the chief men of the city, and stirred up a persecution against Paul and Barnabas, and cast them out of their borders.51 But they shook off the dust of their feet against them, and came unto Iconium.52 And the disciples were filled with joy with the Holy Spirit.