previous next

Galatiya 5

1 Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban \f + \fr 5:1 harqood = qoriga lagu xidho laba dibi inay wax ku jiidaan.\fr*\f*harqoodka addoonnimada.
2 Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo.3 Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo.4 Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.5 Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.6 Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.7 Si wanaagsan baad u ordayseen, ee yaa idinka hor joogsaday inaydnaan runta addeecin?8 Taladanu kama iman kan idiin yeedhaya.9 In yar oo khamiir ah cajiinka oo dhan bay khamiirisaa.10 Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba.11 Laakiin, walaalayaalow, haddii aan anigu weli gudniinta wax ku wacdiyo, maxaa weli la ii silciyaa? Haddaba xumaan-u-qaadashada iskutallaabtu waa dhammaatay.

12 Waxaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan.

Xorriyadda Waa In Jacaylku Xukumo

13 Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego.14 Waayo, sharciga oo dhammu hadal keliya buu ku dhammaaday, waana kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.

15 Laakiin haddaad isqaniintaan oo iscuntaan, iska dhawra yeydnan isbaabbi'in.

Midhaha Ruuxa

16 Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.17 Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan.18 Laakiinse haddii Ruuxu idin hoggaamiyo, sharciga kuma hoos jirtaan.19 Shuqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo,20 sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo,21 xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.22 Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo,23 qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro.

24 Kuwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.
25 Haddii aynu Ruuxa ku nool nahay, aynu Ruuxana ku soconno.26 Yeynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.

Galatians 5

1 For freedom did Christ set us free: stand fast therefore, and be not entangled again in a yoke of bondage.2 Behold, I Paul say unto you, that, if ye receive circumcision, Christ will profit you nothing.3 Yea, I testify again to every man that receiveth circumcision, that he is a debtor to do the whole law.4 Ye are severed from Christ, ye would be justified by the law; ye are fallen away from grace.5 For we through the Spirit by faith wait for the hope of righteousness.6 For in Christ Jesus neither circumcision availeth anything, nor uncircumcision; but faith working through love.7 Ye were running well; who hindered you that ye should not obey the truth?8 This persuasion came not of him that calleth you.9 A little leaven leaveneth the whole lump.10 I have confidence to you-ward in the Lord, that ye will be none otherwise minded: but he that troubleth you shall bear his judgment, whosoever he be.11 But I, brethren, if I still preach circumcision, why am I still persecuted? then hath the stumbling-block of the cross been done away.12 I would that they that unsettle you would even go beyond circumcision.13 For ye, brethren, were called for freedom; only use not your freedom for an occasion to the flesh, but through love be servants one to another.14 For the whole law is fulfilled in one word, even in this: Thou shalt love thy neighbor as thyself.15 But if ye bite and devour one another, take heed that ye be not consumed one of another.16 But I say, walk by the Spirit, and ye shall not fulfil the lust of the flesh.17 For the flesh lusteth against the Spirit, and the Spirit against the flesh; for these are contrary the one to the other; that ye may not do the things that ye would.18 But if ye are led by the Spirit, ye are not under the law.19 Now the works of the flesh are manifest, which are these: fornication, uncleanness, lasciviousness,20 idolatry, sorcery, enmities, strife, jealousies, wraths, factions, divisions, parties,21 envyings, drunkenness, revellings, and such like; of which I forewarn you, even as I did forewarn you, that they who practise such things shall not inherit the kingdom of God.22 But the fruit of the Spirit is love, joy, peace, longsuffering, kindness, goodness, faithfulness,23 meekness, self-control; against such there is no law.24 And they that are of Christ Jesus have crucified the flesh with the passions and the lusts thereof.25 If we live by the Spirit, by the Spirit let us also walk.26 Let us not become vainglorious, provoking one another, envying one another.