previous next

Cibraaniyada 13

Waano

1 Jacaylka walaalnimadu ha sii jiro.2 Ha illoobina inaad shisheeyaha marti qaaddaan, waayo, sidaas qaar baa malaa'igo u marti qaaday iyagoo aan ogayn.3 U xusuusta kuwa xidhan sidii idinkoo iyaga la xidhan, iyo kuwa la silciyey sidii idinkoo isku jidh ah.4 Guurka hala wada maamuuso, oo sariirtuna yeynan nijaasoobin, maxaa yeelay, khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa.5 Dabiicaddiinnu ha ahaato mid aan lacag jeclayn, oo waxaad haysataan raalli ku ahaada, waayo, isaga qudhiisu wuxuu yidhi, Sinaba kuu dayn maayo, oo sinaba kuu dayrin maayo.

6 Bal maxaa dad igu samayn doonaa?

Waa In Hoggaamiyayaasha Daacad Loo Ahaado

7 Xusuusta hoggaamiyayaashiinna idiin sheegay ereyga Ilaah. Oo ka fiirsada waxa ka yimaada asluubtoodii, oo iimaankoodii ku dayda.8 Ciise Masiix waa isku mid shalay iyo maanta iyo weligiiba.9 Waxbaridda kala duwan oo qalaadu yay idinla tegin, waayo, waa wanaagsan tahay in qalbigu nimco ku taagnaado ee uusan ku taagnaan cunto, tan kuwa ku macaamilooday aanay ku faa'iidin.10 Waxaynu leennahay meel allabari, oo kuwa taambuugga ka adeega aanay amar u lahayn inay wax ka cunaan.11 Waayo, neefafka dhiiggooda wadaadka sare keeno meesha quduuska ah dembiga aawadiis jidhadhkooda waxaa lagu gubaa xerada dibaddeeda.12 Sidaas daraaddeed Ciisena si uu dadka quduus ugaga dhigo dhiiggiisa wuxuu ku xanuunsaday iridda dibaddeeda.13 Haddaba aynu isaga ugu tagno xerada dibaddeeda, innagoo qaadayna caydii la caayay isaga.14 Waayo, innagu halkan kuma lihin magaalo sii raagaysa, laakiin waxaynu doondoonaynaa tan iman doonta.15 Haddaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda.

16 Laakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa.

17 Hoggaamiyayaashiinna addeeca oo ka dambeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiinna sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taas farxad ha ku sameeyeen, oo yaanay qulubsanaan, waayo, taasu waxba idiin tari mayso.

Farriin Iyo Duco

18 Noo soo duceeya; waayo, waxaannu hubnaa inaannu leennahay niyo wanaagsan annagoo doonayna inaannu wax kasta si qumman ugu soconno.

19 Oo aad baan idiinka baryayaa inaad tan samaysaan, in dhaqso laygu soo kiin celiyo.
20 Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah,

21 kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
22 Walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad u dulqaadataan hadalka waanada ah, waayo, waxaan idiin soo qoray dhawr eray.

23 Ogaada in walaalkeen Timoteyos la sii daayay, kan hadduu dhaqso u yimaado, aannu idin soo wada arki doonno.

24 Igu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan.
25 Nimco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

Hebrews 13

1 Let love of the brethren continue.2 Forget not to show love unto strangers: for thereby some have entertained angels unawares.3 Remember them that are in bonds, as bound with them; them that are illtreated, as being yourselves also in the body.4 Let marriage be had in honor among all, and let the bed be undefiled: for fornicators and adulterers God will judge.5 Be ye free from the love of money; content with such things as ye have: for himself hath said, I will in no wise fail thee, neither will I in any wise forsake thee.6 So that with good courage we say, The Lord is my helper; I will not fear: What shall man do unto me?

7 Remember them that had the rule over you, men that spake unto you the word of God; and considering the issue of their life, imitate their faith.8 Jesus Christ is the same yesterday and to-day, yea and for ever.9 Be not carried away by divers and strange teachings: for it is good that the heart be established by grace; not by meats, wherein they that occupied themselves were not profited.10 We have an altar, whereof they have no right to eat that serve the tabernacle.11 For the bodies of those beasts whose blood is brought into the holy place by the high priest as an offering for sin, are burned without the camp.12 Wherefore Jesus also, that he might sanctify the people through his own blood, suffered without the gate.13 Let us therefore go forth unto him without the camp, bearing his reproach.14 For we have not here an abiding city, but we seek after the city which is to come.15 Through him then let us offer up a sacrifice of praise to God continually, that is, the fruit of lips which make confession to his name.16 But to do good and to communicate forget not: for with such sacrifices God is well pleased.17 Obey them that have the rule over you, and submit to them: for they watch in behalf of your souls, as they that shall give account; that they may do this with joy, and not with grief: for this were unprofitable for you.18 Pray for us: for we are persuaded that we have a good conscience, desiring to live honorably in all things.19 And I exhort you the more exceedingly to do this, that I may be restored to you the sooner.20 Now the God of peace, who brought again from the dead the great shepherd of the sheep with the blood of an eternal covenant, even our Lord Jesus,21 make you perfect in every good thing to do his will, working in us that which is well-pleasing in his sight, through Jesus Christ; to whom be the glory for ever and ever. Amen.22 But I exhort you, brethren, bear with the word of exhortation, for I have written unto you in few words.23 Know ye that our brother Timothy hath been set at liberty; with whom, if he come shortly, I will see you.24 Salute all them that have the rule over you, and all the saints. They of Italy salute you.25 Grace be with you all. Amen.