Yooxanaa 11
Ciise Baa Laasaros Soo Nooleeyey
1 Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.2 Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.3 Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaaye.
4 Laakiin Ciise markuu taas maqlay wuxuu yidhi, Bukaankanu kan dhimashada ma ahaa, laakiin waa ammaanta Ilaah aawadeed in Wiilka Ilaah lagu ammaano.
5 Ciise ayaa jeclaa Maarta iyo walaasheed iyo Laasaros.6 Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay.7 Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.8 Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas?9 Ciise ayaa ugu jawaabay, Maalintu miyaanay laba iyo toban saacadood ahayn? Qof hadduu maalinta socdo ma turunturoodo, waayo, wuxuu arkaa iftiinka dunidan.10 Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga.11 Waxyaalahaas ayuu ku hadlay, oo dabadeedto wuxuu ku yidhi iyaga, Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo.12 Sidaa daraaddeed xertii waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, hadduu hurdo wuu bogsanayaa.13 Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisa, iyaguse waxay u maleeyeen inuu ka hadlayo nasashada hurdada.14 Ciise haddaba ayaa bayaan ugu yidhi, Laasaros waa dhintay.15 Anigu waa ku faraxsanahay aawadiin inaanan halkaas joogin si aad u rumaysataan, laakiin aan u tagno.
16 Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno.
17 Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.18 Haddana Beytaniya waa u dhowayd Yeruusaalem, oo waxay u jirtay qiyaas shan iyo toban istaadiyon.
19 Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan.
20 Maarta haddaba markay maqashay in Ciise imanayo, ayay ka hor tagtay, Maryanse gurigay iska fadhiday.21 Markaasaa Maarta waxay Ciise ku tidhi, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.22 Hadda waxaan garanayaa in wax alla waxaad Ilaah weyddiisatid uu ku siinayo.23 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Walaalkaa waa sara kici doonaa.24 Maartaa ku tidhi, Waan garanayaa inuu kici doono wakhtiga sarakicidda ee maalinta u dambaysa.25 Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa.26 Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?
27 Waxay ku tidhi, Haah, Sayidow, waan rumaysnahay inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah ee dunida iman lahaa.
28 Markay taas tidhi, way tagtay oo hoos ahaan ugu soo yeedhay walaasheed Maryan, oo waxay ku tidhi, Macallinkii halkan buu joogaa, waana kuu yeedhayaa.29 Iyaduna kolkay maqashay, dhaqso bay u kacday oo u tagtay.30 Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay.31 Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.32 Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.33 Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday.34 Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.35 Ciise waa ooyay.36 Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa.
37 Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la'aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?
38 Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa.39 Ciise ayaa yidhi, Dhagaxa ka qaada. Maarta oo ahayd kii dhintay walaashiis, waxay ku tidhi, Sayidow, hadda wuu urayaa, waayo, afar maalmood buu mootanaa.40 Ciise wuxuu ku yidhi, miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah?41 Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay.42 Waana ogaa inaad mar kasta i maqasho, laakiin dadkan badan oo hareerahayga taagan aawadood ayaan taas u idhi inay rumaystaan inaad adigu i soo dirtay.43 Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.
44 Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.
Wadaaddadii Sare Shirqool Bay Ciise U Dhigeen
45 Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay.
46 Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey.
47 Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.48 Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna.49 Midkood Kayafas la odhan jiray, oo wadaadka sare ahaa sannaddaas, wuxuu iyagii ku yidhi, Waxba garan maysaan,50 oo ka fiirsan maysaan inay idiin roon tahay in nin keli ahu dadka u dhinto oo aan quruunta oo dhammu lumin.51 Waxaas iskama odhan, laakiin isagoo ah wadaadka sare sannaddaas, wuxuu sii sheegay in Ciise quruunta u dhiman doono,52 quruuntii oo keliya uma aha, laakiin inuu mid keliya isugu soo ururiyo carruurtii Ilaah oo kala firidhsan.
53 Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.
54 Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay.55 Hadda Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la yidhaahdaa waa dhowayd, kuwa badanna waxay u kaceen Yeruusaalem iyagoo dalka ka yimid Iiddii Kormaridda horteed inay isdaahiriyaan.56 Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa?57 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.
John 11
1 Now a certain man was sick, Lazarus of Bethany, of the village of Mary and her sister Martha.2 And it was that Mary who anointed the Lord with ointment, and wiped his feet with her hair, whose brother Lazarus was sick.3 The sisters therefore sent unto him, saying, Lord, behold, he whom thou lovest is sick.4 But when Jesus heard it, he said, This sickness is not unto death, but for the glory of God, that the Son of God may be glorified thereby.5 Now Jesus loved Martha, and her sister, and Lazarus.6 When therefore he heard that he was sick, he abode at that time two days in the place where he was.7 Then after this he saith to the disciples, Let us go into Judaea again.8 The disciples say unto him, Rabbi, the Jews were but now seeking to stone thee; and goest thou thither again?9 Jesus answered, Are there not twelve hours in the day? If a man walk in the day, he stumbleth not, because he seeth the light of this world.10 But if a man walk in the night, he stumbleth, because the light is not in him.11 These things spake he: and after this he saith unto them, Our friend Lazarus is fallen asleep; but I go, that I may awake him out of sleep.12 The disciples therefore said unto him, Lord, if he is fallen asleep, he will recover.13 Now Jesus had spoken of his death: but they thought that he spake of taking rest in sleep.14 Then Jesus therefore said unto them plainly, Lazarus is dead.15 And I am glad for your sakes that I was not there, to the intent ye may believe; nevertheless let us go unto him.16 Thomas therefore, who is called Didymus, said unto his fellow-disciples, Let us also go, that we may die with him.17 So when Jesus came, he found that he had been in the tomb four days already.18 Now Bethany was nigh unto Jerusalem, about fifteen furlongs off;19 and many of the Jews had come to Martha and Mary, to console them concerning their brother.20 Martha therefore, when she heard that Jesus was coming, went and met him: but Mary still sat in the house.21 Martha therefore said unto Jesus, Lord, if thou hadst been here, my brother had not died.22 And even now I know that, whatsoever thou shalt ask of God, God will give thee.23 Jesus saith unto her, Thy brother shall rise again.24 Martha saith unto him, I know that he shall rise again in the resurrection at the last day.25 Jesus said unto her, I am the resurrection, and the life: he that believeth on me, though he die, yet shall he live;26 and whosoever liveth and believeth on me shall never die. Believest thou this?27 She saith unto him, Yea, Lord: I have believed that thou art the Christ, the Son of God, even he that cometh into the world.28 And when she had said this, she went away, and called Mary her sister secretly, saying, The Teacher is here, and calleth thee.29 And she, when she heard it, arose quickly, and went unto him.30 (Now Jesus was not yet come into the village, but was still in the place where Martha met him.)31 The Jews then who were with her in the house, and were consoling her, when they saw Mary, that she rose up quickly and went out, followed her, supposing that she was going unto the tomb to weep there.32 Mary therefore, when she came where Jesus was, and saw him, fell down at his feet, saying unto him, Lord, if thou hadst been here, my brother had not died.33 When Jesus therefore saw her weeping, and the Jews also weeping who came with her, he groaned in the spirit, and was troubled,34 and said, Where have ye laid him? They say unto him, Lord, come and see.35 Jesus wept.36 The Jews therefore said, Behold how he loved him!37 But some of them said, Could not this man, who opened the eyes of him that was blind, have caused that this man also should not die?38 Jesus therefore again groaning in himself cometh to the tomb. Now it was a cave, and a stone lay against it.39 Jesus saith, Take ye away the stone. Martha, the sister of him that was dead, saith unto him, Lord, by this time the body decayeth; for he hath been dead four days.40 Jesus saith unto her, Said I not unto thee, that, if thou believedst, thou shouldest see the glory of God?41 So they took away the stone. And Jesus lifted up his eyes, and said, Father, I thank thee that thou heardest me.42 And I knew that thou hearest me always: but because of the multitude that standeth around I said it, that they may believe that thou didst send me.43 And when he had thus spoken, he cried with a loud voice, Lazarus, come forth.44 He that was dead came forth, bound hand and foot with grave-clothes; and his face was bound about with a napkin. Jesus saith unto them, Loose him, and let him go.45 Many therefore of the Jews, who came to Mary and beheld that which he did, believed on him.46 But some of them went away to the Pharisees, and told them the things which Jesus had done.47 The chief priests therefore and the Pharisees gathered a council, and said, What do we? for this man doeth many signs.48 If we let him thus alone, all men will believe on him: and the Romans will come and take away both our place and our nation.49 But a certain one of them, Caiaphas, being high priest that year, said unto them, Ye know nothing at all,50 nor do ye take account that it is expedient for you that one man should die for the people, and that the whole nation perish not.51 Now this he said not of himself: but, being high priest that year, he prophesied that Jesus should die for the nation;52 and not for the nation only, but that he might also gather together into one the children of God that are scattered abroad.53 So from that day forth they took counsel that they might put him to death.54 Jesus therefore walked no more openly among the Jews, but departed thence into the country near to the wilderness, into a city called Ephraim; and there he tarried with the disciples.55 Now the passover of the Jews was at hand: and many went up to Jerusalem out of the country before the passover, to purify themselves.56 They sought therefore for Jesus, and spake one with another, as they stood in the temple, What think ye? That he will not come to the feast?57 Now the chief priests and the Pharisees had given commandment, that, if any man knew where he was, he should show it, that they might take him.