Yooxanaa 17
Baryadii Ciise
1 Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano,2 sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan.3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.4 Dhulka ayaan kugu ammaanay, anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo.5 Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin.6 Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen.7 Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen.
8 Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay.
9 Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii.10 Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay.11 Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale.12 Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado.13 Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga.14 Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.15 Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh.16 Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.17 Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune.18 Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray.
19 Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo.
20 Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis,21 inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay.22 Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay.
23 Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay.
24 Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.25 Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay.26 Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
John 17
1 These things spake Jesus; and lifting up his eyes to heaven, he said, Father, the hour is come; glorify thy Son, that the son may glorify thee:2 even as thou gavest him authority over all flesh, that to all whom thou hast given him, he should give eternal life.3 And this is life eternal, that they should know thee the only true God, and him whom thou didst send, even Jesus Christ.4 I glorified thee on the earth, having accomplished the work which thou hast given me to do.5 And now, Father, glorify thou me with thine own self with the glory which I had with thee before the world was.6 I manifested thy name unto the men whom thou gavest me out of the world: thine they were, and thou gavest them to me; and they have kept thy word.7 Now they know that all things whatsoever thou hast given me are from thee:8 for the words which thou gavest me I have given unto them; and they received them, and knew of a truth that I came forth from thee, and they believed that thou didst send me.9 I pray for them: I pray not for the world, but for those whom thou hast given me; for they are thine:10 and all things that are mine are thine, and thine are mine: and I am glorified in them.11 And I am no more in the world, and these are in the world, and I come to thee. Holy Father, keep them in thy name which thou hast given me, that they may be one, even as we are.12 While I was with them, I kept them in thy name which thou hast given me: and I guarded them, and not one of them perished, but the son of perdition; that the scripture might be fulfilled.13 But now I come to thee; and these things I speak in the world, that they may have my joy made full in themselves.14 I have given them thy word; and the world hated them, because they are not of the world, even as I am not of the world.15 I pray not that thou shouldest take them from the world, but that thou shouldest keep them from the evil one.16 They are not of the world even as I am not of the world.17 Sanctify them in the truth: thy word is truth.18 As thou didst send me into the world, even so sent I them into the world.19 And for their sakes I sanctify myself, that they themselves also may be sanctified in truth.20 Neither for these only do I pray, but for them also that believe on me through their word;21 that they may all be one; even as thou, Father, art in me, and I in thee, that they also may be in us: that the world may believe that thou didst send me.22 And the glory which thou hast given me I have given unto them; that they may be one, even as we are one;23 I in them, and thou in me, that they may be perfected into one; that the world may know that thou didst send me, and lovedst them, even as thou lovedst me.24 Father, I desire that they also whom thou hast given me be with me where I am, that they may behold my glory, which thou hast given me: for thou lovedst me before the foundation of the world.25 O righteous Father, the world knew thee not, but I knew thee; and these knew that thou didst send me;26 and I made known unto them thy name, and will make it known; that the love wherewith thou lovedst me may be in them, and I in them.