Luukos 15
Laxdii Hallowday
1 Waxaa Ciise u soo dhowaanayay cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha oo dhan inay maqlaan.
2 Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.
3 Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi,4 Ninkiinnee baa tiro ido ah leh, oo middood ka hallowday, aan sagaal iyo sagaashanka cidlada kaga tegin, oo aan tii hallowday ka daba tegin, ilaa uu soo helo?5 Oo goortuu soo helo, aan garbihiisa saarin, isagoo faraxsan.6 Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday?
7 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobadkeena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn.
Lacagtii Luntay
8 Ama naagtee baa toban \f + \fr 15:8 daraakmo = lacag.\fr*\f*daraakmo oo lacag ah leh, oo hadday daraakmo lumiso, aan laambad shidin, oo aan guriga xaaqin, oo aan dadaal ku doonin ilaa ay hesho?9 Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay.
10 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.
Wiilkii Wixiisii Khasaariyey
11 Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa.12 Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow, waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa.13 Maalmo aan badnayn dabadeed wiilkii yaraa waa wada urursaday wax walbaba, oo dhul fog ayuu u safray, halkaas ayuuna wixiisii ku khasaariyey, isagoo iska tumaya.14 Goortuu wada bixiyey dabadeed ayaa abaar daran dhulkaas ka dhacday, wuuna bilaabay inuu baahdo.15 Goortaasuu tegey oo isku daray nin dadka dhulkaas ah, kan u diray beerihiisa inuu doofaarro daajiyo.16 Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin.17 Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa.18 Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba.19 Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale.20 Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday.21 Markaasaa wiilkii ku yidhi, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba; kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga.22 Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya.23 Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno,24 waayo, wiilkaygan wuu dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay. Markaasay bilaabeen inay farxaan.25 Laakiin wiilkiisii weynaa beerta buu ku jiray, oo intuu soo socday oo guriga u soo dhowaanayay, wuxuu maqlay muusika iyo cayaar.26 Markaasuu midiidinyada midkood u yeedhay oo weyddiiyey, Waa maxay waxaas?27 Markaasuu ku yidhi, Walaalkaa ayaa yimid, aabbahaana dibigii yaraa ee la shishleeyey ayuu u gowracay, waayo, ladnaan buu ku helay.28 Laakiin wuu cadhooday, oo inuu galo ma doonayn, markaasaa aabbihiis soo baxay oo baryay.29 Laakiin wuu u jawaabay, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Bal eeg, intaas oo sannadood ayaan kuu shaqaynayay, oo weligay amarkaaga kama aan xadgudbin, oo weligaa waxar iima aad siin inaan saaxiibbadayda la farxo,30 Laakiin goortii uu yimid wiilkaagani waxaagii aad ku noolayd dhillooyin la cunay, waxaad u gowracday dibigii yaraa ee la shishleeyey.31 Markaasuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, weligaa waad ila joogtaa, oo waxayga oo dhan adigaa leh,32 laakiin waxaa inoo wanaagsanayd inaynu rayrayno oo faraxno, waayo, waalaalkaagani waa dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay.
Luke 15
1 Now all the publicans and sinners were drawing near unto him to hear him.2 And both the Pharisees and the scribes murmured, saying, This man receiveth sinners, and eateth with them.3 And he spake unto them this parable, saying,4 What man of you, having a hundred sheep, and having lost one of them, doth not leave the ninety and nine in the wilderness, and go after that which is lost, until he find it?5 And when he hath found it, he layeth it on his shoulders, rejoicing.6 And when he cometh home, he calleth together his friends and his neighbors, saying unto them, Rejoice with me, for I have found my sheep which was lost.7 I say unto you, that even so there shall be joy in heaven over one sinner that repenteth, more than over ninety and nine righteous persons, who need no repentance.8 Or what woman having ten pieces of silver, if she lose one piece, doth not light a lamp, and sweep the house, and seek diligently until she find it?9 And when she hath found it, she calleth together her friends and neighbors, saying, Rejoice with me, for I have found the piece which I had lost.10 Even so, I say unto you, there is joy in the presence of the angels of God over one sinner that repenteth.11 And he said, A certain man had two sons:12 and the younger of them said to his father, Father, give me the portion of thy substance that falleth to me. And he divided unto them his living.13 And not many days after, the younger son gathered all together and took his journey into a far country; and there he wasted his substance with riotous living.14 And when he had spent all, there arose a mighty famine in that country; and he began to be in want.15 And he went and joined himself to one of the citizens of that country; and he sent him into his fields to feed swine.16 And he would fain have filled his belly with the husks that the swine did eat: and no man gave unto him.17 But when he came to himself he said, How many hired servants of my father’s have bread enough and to spare, and I perish here with hunger!18 I will arise and go to my father, and will say unto him, Father, I have sinned against heaven, and in thy sight:19 I am no more worthy to be called your son: make me as one of thy hired servants.20 And he arose, and came to his father. But while he was yet afar off, his father saw him, and was moved with compassion, and ran, and fell on his neck, and kissed him.21 And the son said unto him, Father, I have sinned against heaven, and in thy sight: I am no more worthy to be called thy son.22 But the father said to his servants, Bring forth quickly the best robe, and put it on him; and put a ring on his hand, and shoes on his feet:23 and bring the fatted calf, and kill it, and let us eat, and make merry:24 for this my son was dead, and is alive again; he was lost, and is found. And they began to be merry.25 Now his elder son was in the field: and as he came and drew nigh to the house, he heard music and dancing.26 And he called to him one of the servants, and inquired what these things might be.27 And he said unto him, Thy brother is come; and thy father hath killed the fatted calf, because he hath received him safe and sound.28 But he was angry, and would not go in: and his father came out, and entreated him.29 But he answered and said to his father, Lo, these many years do I serve thee, and I never transgressed a commandment of thine; and yet thou never gavest me a kid, that I might make merry with my friends:30 but when this thy son came, who hath devoured thy living with harlots, thou killedst for him the fatted calf.31 And he said unto him, Son, thou art ever with me, and all that is mine is thine.32 But it was meet to make merry and be glad: for this thy brother was dead, and is alive again; and was lost, and is found.