Luukos 18
Masaalka Ku Saabsan Carmalka Iyo Xaakinka
1 Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,2 Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin.3 Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii.4 Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn,5 weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin.6 Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi.7 Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?
8 Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?
Farrisigii Iyo Cashuurqaadihii
9 Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday.10 Laba nin ayaa tegey inay macbudka ku tukadaan; mid Farrisi buu ahaa, kan kalena cashuurqaade.11 Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahadnaqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan.12 Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa.13 Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.
14 Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
Ciise Wuxuu UDuceeyey Carruur Yaryar
15 Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, laakiin goortii xertii aragtay, ayay canaanteen.16 Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.
17 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.
Nolosha Weligeed Ah Iyo Ninkii Maalka Jeclaa
18 Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?19 Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.20 Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.21 Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray.22 Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.23 Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.24 Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,25 waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso.26 Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?27 Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan.28 Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.29 Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,
30 oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
Mar Saddexaad Ayaa Ciise Sii Sheegay Dhimashadiisa
31 Laba-iyo-tobankii ayuu watay oo ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem, oo wax walba oo nebiyadu qoreen ayaa Wiilka Aadanaha u noqon doona.32 Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa,33 wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa.
34 Laakiin waxyaalahaas waxba kama ay garan, hadalkaasna waa ka qarsoonaa, mana ay garan wixii la yidhi.
Ciise Wuxuu Bogsiiyey Nin Indhala'
35 Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,36 oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen.37 Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo.38 Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.39 Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.40 Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,41 Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.42 Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.43 Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.
Luke 18
1 And he spake a parable unto them to the end that they ought always to pray, and not to faint;2 saying, There was in a city a judge, who feared not God, and regarded not man:3 and there was a widow in that city; and she came oft unto him, saying, Avenge me of mine adversary.4 And he would not for a while: but afterward he said within himself, Though I fear not God, nor regard man;5 yet because this widow troubleth me, I will avenge her, lest she wear me out by her continual coming.6 And the Lord said, Hear what the unrighteous judge saith.7 And shall not God avenge his elect, that cry to him day and night, and yet he is longsuffering over them?8 I say unto you, that he will avenge them speedily. Nevertheless, when the Son of man cometh, shall he find faith on the earth?9 And he spake also this parable unto certain who trusted in themselves that they were righteous, and set all others at nought:10 Two men went up into the temple to pray; the one a Pharisee, and the other a publican.11 The Pharisee stood and prayed thus with himself, God, I thank thee, that I am not as the rest of men, extortioners, unjust, adulterers, or even as this publican.12 I fast twice in the week; I give tithes of all that I get.13 But the publican, standing afar off, would not lift up so much as his eyes unto heaven, but smote his breast, saying, God, be thou merciful to me a sinner.14 I say unto you, This man went down to his house justified rather than the other: for every one that exalteth himself shall be humbled; but he that humbleth himself shall be exalted.15 And they were bringing unto him also their babes, that he should touch them: but when the disciples saw it, they rebuked them.16 But Jesus called them unto him, saying, Suffer the little children to come unto me, and forbid them not: for to such belongeth the kingdom of God.17 Verily I say unto you, Whosoever shall not receive the kingdom of God as a little child, he shall in no wise enter therein.18 And a certain ruler asked him, saying, Good Teacher, what shall I do to inherit eternal life?19 And Jesus said unto him, Why callest thou me good? none is good, save one, even God.20 Thou knowest the commandments, Do not commit adultery, Do not kill, Do not steal, Do not bear false witness, Honor thy father and mother.21 And he said, All these things have I observed from my youth up.22 And when Jesus heard it, he said unto him, One thing thou lackest yet: sell all that thou hast, and distribute unto the poor, and thou shalt have treasure in heaven: and come, follow me.23 But when he heard these things, he became exceeding sorrowful; for he was very rich.24 And Jesus seeing him said, How hardly shall they that have riches enter into the kingdom of God!25 For it is easier for a camel to enter in through a needle’s eye, than for a rich man to enter into the kingdom of God.26 And they that heard it said, Then who can be saved?27 But he said, The things which are impossible with men are possible with God.28 And Peter said, Lo, we have left our own, and followed thee.29 And he said unto them, Verily I say unto you, There is no man that hath left house, or wife, or brethren, or parents, or children, for the kingdom of God’s sake,30 who shall not receive manifold more in this time, and in the world to come eternal life.31 And he took unto him the twelve, and said unto them, Behold, we go up to Jerusalem, and all the things that are written through the prophets shall be accomplished unto the Son of man.32 For he shall be delivered up unto the Gentiles, and shall be mocked, and shamefully treated, and spit upon:33 and they shall scourge and kill him: and the third day he shall rise again.34 And they understood none of these things; and this saying was hid from them, and they perceived not the things that were said.35 And it came to pass, as he drew nigh unto Jericho, a certain blind man sat by the way side begging:36 and hearing a multitude going by, he inquired what this meant.37 And they told him that Jesus of Nazareth passeth by.38 And he cried, saying, Jesus, thou son of David, have mercy on me.39 And they that went before rebuked him, that he should hold his peace: but he cried out the more a great deal, Thou son of David, have mercy on me.40 And Jesus stood, and commanded him to be brought unto him: and when he was come near, he asked him,41 What wilt thou that I should do unto thee? And he said, Lord, that I may receive my sight.42 And Jesus said unto him, Receive thy sight; thy faith hath made thee whole.43 And immediately he received his sight, and followed him, glorifying God: and all the people, when they saw it, gave praise unto God.