previous next

Luukos 19

Sakhayos

1 Ciise wuxuu galay oo dhex marayay Yerixoo.2 Oo bal eeg, waxaa jiray nin Sakhayos la odhan jiray; kan ahaa madaxda cashuurqaadayaasha, oo hodan buuna ahaa.3 Wuxuuna doonayay inuu Ciise arko cid uu yahay, wuuna kari waayay dadkii badnaa aawadood, waayo, wuu gaabnaa.4 Hore buu u orday, oo wuxuu fuulay geed sukomoor inuu isaga arko, waayo, goor dhow jidkaas ayuu soo mari lahaa.5 Ciise goortuu meeshii yimid, ayuu kor u eegay, oo wuxuu ku yidhi, Sakhayosow, dhaqso u soo deg, waayo, maanta waa inaan gurigaaga joogo.6 Dhaqso ayuu u soo degay, oo farxad ayuu ku soo dhoweeyey.7 Dadkii goortay arkeen, kulligood way wada gunuunaceen, iyagoo leh, Nin dembi leh ayuu u marti galay.8 Sakhayos waa istaagay oo Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, Sayidow, maalkayga badhkiisa ayaan masaakiinta siinayaa, oo haddii aan nin wax ka dulmay, waxaan u celinayaa afar laab.9 Ciise wuxuu ku yidhi, Maanta badbaadinta ayaa gurigan timid, waayo, isaguna waa ina Ibraahim.

10 Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu kii hallaabay doondoono oo badbaadiyo.

Masaalka Ku Saabsan Lacagta La Yidhaahdo Mina

11 Goortay waxaas maqleen, masaal buu ku daray oo ku hadlay, waayo, wuxuu ku dhowaa Yeruusaalem, waxayna u maleeyeen boqortooyada Ilaah inay markiiba soo muuqan doonto.12 Sidaa darteed wuxuu yidhi, Nin sharaf leh ayaa dal fog tegey inuu boqortooyo soo helo oo soo noqdo.13 Wuxuu u yeedhay tobankiisa addoon, oo wuxuu u dhiibay toban \f + \fr 19:13 mina = boqol daraakmo oo lacag ah.\fr*\f*mina, oo ku yidhi, Ku baayacmushtara ilaa aan soo noqdo.14 Laakiin dadkii magaaladiisa ayaa nacay, oo waxay ka daba direen ergo iyagoo leh, Dooni mayno ninkaas inuu boqor noo ahaado.15 Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii.16 Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday.17 Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree.18 Markaasaa kii labaad yimid isagoo leh, Sayidow, minahaagii waxaa laga faa'iiday shan mina.19 Kaasna wuxuu ku yidhi, Adna shan magaalo u sarree.20 Kii kalena waa yimid isagoo leh, Sayidow, waa kaa minahaagii aan maro yar ku guntay oo meel dhigay.21 Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran.22 Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran.23 Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba?24 Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya.25 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, toban mina ayuu hayaa.26 Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.

27 Laakiin cadowyadaydan oo aan doonin inaan boqor u ahaado halkan keena oo hortayda ku laaya.

Ciise Guul Buu Ku Galay Yeruusaalem

28 Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.29 Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray,30 isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena.31 Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan.32 Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.33 Kolkay qaylka furayeen ayaa kuwii lahaa ku yidhaahdeen, Maxaad qaylka u furaysaan?34 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaa u baahan.35 Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen.36 Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.37 Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,38 iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya.39 Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano.

40 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aamusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona.

Ciise Waa U Ooyay Yeruusaalem

41 Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,42 isagoo leh, Adigu haddii aad maalintan garan lahayd waxa nabad ah! Laakiin hadda waa laga qariyey indhahaaga.43 Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan.

44 Way ku dumin doonaan, adiga iyo carruurtaada kugu jirta, oo kuguma dayn doonaan dhagax dhagax dul saaran, waayo, waad garan weyday wakhtigii booqashadaada.

Ciise Macbudkuu Nadiifiyey

45 Wuxuu galay macbudka oo bilaabay inuu ka eryo kuwii wax ku iibinayay,

46 isagoo ku leh, Waa qoran tahay, Gurigaygu wuxuu ahaan doonaa guriga tukashada, laakiin idinku waxaad ka dhigteen god tuugo.
47 Maalin walba ayuu macbudka ku jiri jiray isagoo wax baraya; laakiin wadaaddada sare iyo culimmada iyo madaxda dadku waxay dooneen inay dilaan,48 oo ay waayeen waxay ku sameeyaan, waayo, dadka oo dhan ayaa aad u dhegaysanayay.

Luke 19

1 And he entered and was passing through Jericho.2 And behold, a man called by name Zacchaeus; and he was a chief publican, and he was rich.3 And he sought to see Jesus who he was; and could not for the crowd, because he was little of stature.4 And he ran on before, and climbed up into a sycomore tree to see him: for he was to pass that way.5 And when Jesus came to the place, he looked up, and said unto him, Zacchaeus, make haste, and come down; for to-day I must abide at thy house.6 And he made haste, and came down, and received him joyfully.7 And when they saw it, they all murmured, saying, He is gone in to lodge with a man that is a sinner.8 And Zacchaeus stood, and said unto the Lord, Behold, Lord, the half of my goods I give to the poor; and if I have wrongfully exacted aught of any man, I restore fourfold.9 And Jesus said unto him, To-day is salvation come to this house, forasmuch as he also is a son of Abraham.10 For the Son of man came to seek and to save that which was lost.11 And as they heard these things, he added and spake a parable, because he was nigh to Jerusalem, and because they supposed that the kingdom of God was immediately to appear.12 He said therefore, A certain nobleman went into a far country, to receive for himself a kingdom, and to return.13 And he called ten servants of his, and gave them ten pounds, and said unto them, Trade ye herewith till I come.14 But his citizens hated him, and sent an ambassage after him, saying, We will not that this man reign over us.15 And it came to pass, when he was come back again, having received the kingdom, that he commanded these servants, unto whom he had given the money, to be called to him, that he might know what they had gained by trading.16 And the first came before him, saying, Lord, thy pound hath made ten pounds more.17 And he said unto him, Well done, thou good servant: because thou wast found faithful in a very little, have thou authority over ten cities.18 And the second came, saying, Thy pound, Lord, hath made five pounds.19 And he said unto him also, Be thou also over five cities.20 And another came, saying, Lord, behold, here is thy pound, which I kept laid up in a napkin:21 for I feared thee, because thou art an austere man: thou takest up that which thou layedst not down, and reapest that which thou didst not sow.22 He saith unto him, Out of thine own mouth will I judge thee, thou wicked servant. Thou knewest that I am an austere man, taking up that which I laid not down, and reaping that which I did not sow;23 then wherefore gavest thou not my money into the bank, and I at my coming should have required it with interest?24 And he said unto them that stood by, Take away from him the pound, and give it unto him that hath the ten pounds.25 And they said unto him, Lord, he hath ten pounds.26 I say unto you, that unto every one that hath shall be given; but from him that hath not, even that which he hath shall be taken away from him.27 But these mine enemies, that would not that I should reign over them, bring hither, and slay them before me.28 And when he had thus spoken, he went on before, going up to Jerusalem.29 And it came to pass, when he drew nigh unto Bethphage and Bethany, at the mount that is called Olivet, he sent two of the disciples,30 saying, Go your way into the village over against you; in which as ye enter ye shall find a colt tied, whereon no man ever yet sat: loose him, and bring him.31 And if any one ask you, Why do ye loose him? thus shall ye say, The Lord hath need of him.32 And they that were sent went away, and found even as he had said unto them.33 And as they were loosing the colt, the owners thereof said unto them, Why loose ye the colt?34 And they said, The Lord hath need of him.35 And they brought him to Jesus: and they threw their garments upon the colt, and set Jesus thereon.36 And as he went, they spread their garments in the way.37 And as he was now drawing nigh, even at the descent of the mount of Olives, the whole multitude of the disciples began to rejoice and praise God with a loud voice for all the mighty works which they had seen;38 saying, Blessed is the King that cometh in the name of the Lord: peace in heaven, and glory in the highest.39 And some of the Pharisees from the multitude said unto him, Teacher, rebuke thy disciples.40 And he answered and said, I tell you that, if these shall hold their peace, the stones will cry out.41 And when he drew nigh, he saw the city and wept over it,42 saying, If thou hadst known in this day, even thou, the things which belong unto peace! but now they are hid from thine eyes.43 For the days shall come upon thee, when thine enemies shall cast up a bank about thee, and compass thee round, and keep thee in on every side,44 and shall dash thee to the ground, and thy children within thee; and they shall not leave in thee one stone upon another; because thou knewest not the time of thy visitation.45 And he entered into the temple, and began to cast out them that sold,46 saying unto them, It is written, And my house shall be a house of prayer: but ye have made it a den of robbers.47 And he was teaching daily in the temple. But the chief priests and the scribes and the principal men of the people sought to destroy him:48 and they could not find what they might do; for the people all hung upon him, listening.