previous next

Luukos 2

Dhalashadii Ciise Masiix

1 Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro.2 Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya.3 Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii.4 Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud,5 in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd.6 Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,

7 waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.
8 Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.9 Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.10 Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan.11 Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.12 Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.13 Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,

14 Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.
15 Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey.16 Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.17 Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga.18 Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen.19 Maryanse hadalkaas oo dhan ayay haysatay oo qalbigeeda kaga fikirtay.

20 Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.

21 Goortii siddeed maalmood dhammaatay oo wiilkii la gudi lahaa, magiciisii waxaa loo baxshay Ciise, sida malaa'igtii ugu bixisay intaan uurka lagu uuraysan.

Ciisaa Rabbiga Loogu Dhiibay Macbudka Dhexdiisa

22 Kolkii maalmihii nadiifiskeeda u dhammaadeen sidii sharciga Muuse lahaa, waxay geeyeen Yeruusaalem inay Rabbiga u dhiibaan23 (siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Curad walba oo lab ah waxaa loogu yeedhi doonaa quduus xagga Rabbiga),

24 iyo inay allabari u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar.

Simecoon Iyo Gabaygiisii Ammaanta Ahaa

25 Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay.26 Waxaana Ruuxii Quduuska ahaa u muujiyey inaanu dhimasho arag intaanu Rabbiga Masiixiisa arkin.27 Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,28 markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,29 Sida hadalkaagu ahaa,30 Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,31 Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,32 Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.33 Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.34 Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo,

35 si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta.

Anna

36 Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aasheer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed.37 Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay.

38 Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahadnaqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay.

Ciise Carruurnimadiisii

39 Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.

40 Wiilkii ayaa koray oo itaal weynaaday, waxaana ka buuxsantay xigmad; Ilaah nimcadiisuna way dul joogtay.
41 Sannad walba waalidkiisii waxay Yeruusaalem u tegi jireen Iiddii Kormaridda.42 Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd.43 Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn,44 laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen.45 Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen.46 Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya.47 Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.48 Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.49 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo?50 Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay.

51 Kolkaasuu raacay oo Naasared tegey, wuuna ka dambeeyey iyaga; laakiinse hooyadiis hadalkaas oo dhan qalbigeeda ayay ku haysatay.
52 Ciisena wuxuu ku koray xigmad iyo dherer iyo nimco, Ilaah iyo dadka hortooda.

Luke 2

1 Now it came to pass in those days, there went out a decree from Caesar Augustus, that all the world should be enrolled.2 This was the first enrolment made when Quirinius was governor of Syria.3 And all went to enrol themselves, every one to his own city.4 And Joseph also went up from Galilee, out of the city of Nazareth, into Judaea, to the city of David, which is called Bethlehem, because he was of the house and family of David;5 to enrol himself with Mary, who was betrothed to him, being great with child.6 And it came to pass, while they were there, the days were fulfilled that she should be delivered.7 And she brought forth her firstborn son; and she wrapped him in swaddling clothes, and laid him in a manger, because there was no room for them in the inn.8 And there were shepherds in the same country abiding in the field, and keeping watch by night over their flock.9 And an angel of the Lord stood by them, and the glory of the Lord shone round about them: and they were sore afraid.10 And the angel said unto them, Be not afraid; for behold, I bring you good tidings of great joy which shall be to all the people:11 for there is born to you this day in the city of David a Saviour, who is Christ the Lord.12 And this is the sign unto you: Ye shall find a babe wrapped in swaddling clothes, and lying in a manger.13 And suddenly there was with the angel a multitude of the heavenly host praising God, and saying,

14 Glory to God in the highest, And on earth peace among men in whom he is well pleased.

15 And it came to pass, when the angels went away from them into heaven, the shepherds said one to another, Let us now go even unto Bethlehem, and see this thing that is come to pass, which the Lord hath made known unto us.16 And they came with haste, and found both Mary and Joseph, and the babe lying in the manger.17 And when they saw it, they made known concerning the saying which was spoken to them about this child.18 And all that heard it wondered at the things which were spoken unto them by the shepherds.19 But Mary kept all these sayings, pondering them in her heart.20 And the shepherds returned, glorifying and praising God for all the things that they had heard and seen, even as it was spoken unto them.21 And when eight days were fulfilled for circumcising him, his name was called JESUS, which was so called by the angel before he was conceived in the womb.22 And when the days of their purification according to the law of Moses were fulfilled, they brought him up to Jerusalem, to present him to the Lord23 (as it is written in the law of the Lord, Every male that openeth the womb shall be called holy to the Lord),24 and to offer a sacrifice according to that which is said in the law of the Lord, A pair of turtledoves, or two young pigeons.25 And behold, there was a man in Jerusalem whose name was Simeon; and this man was righteous and devout, looking for the consolation of Israel: and the Holy Spirit was upon him.26 And it had been revealed unto him by the Holy Spirit, that he should not see death, before he had seen the Lord’s Christ.27 And he came in the Spirit into the temple: and when the parents brought in the child Jesus, that they might do concerning him after the custom of the law,28 then he received him into his arms, and blessed God, and said,

29 Now lettest thou thy servant depart, Lord, According to thy word, in peace;

30 For mine eyes have seen thy salvation,

31 Which thou hast prepared before the face of all peoples;

32 A light for revelation to the Gentiles, And the glory of thy people Israel.

33 And his father and his mother were marvelling at the things which were spoken concerning him;34 and Simeon blessed them, and said unto Mary his mother, Behold, this child is set for the falling and the rising of many in Israel; and for a sign which is spoken against;35 yea and a sword shall pierce through thine own soul; that thoughts out of many hearts may be revealed.36 And there was one Anna, a prophetess, the daughter of Phanuel, of the tribe of Asher (she was of a great age, having lived with a husband seven years from her virginity,37 and she had been a widow even unto fourscore and four years), who departed not from the temple, worshipping with fastings and supplications night and day.38 And coming up at that very hour she gave thanks unto God, and spake of him to all them that were looking for the redemption of Jerusalem.39 And when they had accomplished all things that were according to the law of the Lord, they returned into Galilee, to their own city Nazareth.40 And the child grew, and waxed strong, filled with wisdom: and the grace of God was upon him.41 And his parents went every year to Jerusalem at the feast of the passover.42 And when he was twelve years old, they went up after the custom of the feast;43 and when they had fulfilled the days, as they were returning, the boy Jesus tarried behind in Jerusalem; and his parents knew it not;44 but supposing him to be in the company, they went a day’s journey; and they sought for him among their kinsfolk and acquaintance:45 and when they found him not, they returned to Jerusalem, seeking for him.46 And it came to pass, after three days they found him in the temple, sitting in the midst of the teachers, both hearing them, and asking them questions:47 and all that heard him were amazed at his understanding and his answers.48 And when they saw him, they were astonished; and his mother said unto him, Son, why hast thou thus dealt with us? behold, thy father and I sought thee sorrowing.49 And he said unto them, How is it that ye sought me? knew ye not that I must be in my Father’s house?50 And they understood not the saying which he spake unto them.51 And he went down with them, and came to Nazareth; and he was subject unto them: and his mother kept all these sayings in her heart.52 And Jesus advanced in wisdom and stature, and in favor with God and men.