previous next

Luukos 22

Yuudas Khiyaanadiisa

1 Waxaa soo dhowaatay Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn oo la yidhaahdo Kormaridda.

2 Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen.
3 Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyod la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka.4 Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo.5 Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan,

6 wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacangeliyo intii dadka maqnaayeen.

Diyaargarayskii Cashadii Ugu Dambaysay

7 Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.8 Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunnee.9 Waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu ku diyaargarayno?10 Wuxuu ku yidhi, Bal eega, goortaad magaalada gashaan waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita. Isaga raaca oo ka daba gala guriguu galo.11 Waxaad ninka guriga leh ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu kugu leeyahay, Meeday qooladdii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?12 Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.

13 Markaasay tageen, oo waxay heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda way diyaargareeyeen.

Cashadii Ugu Dambaysay

14 Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.15 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baan u doonayay inaan cashadan Iidda Kormaridda idinla cuno intaanan xanuunsan.16 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar dambe tan ma cuni doono ilaa ay ku dhammaystiranto boqortooyada Ilaah dhexdeeda.17 Markaasuu koob qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu yidhi, Kan qaata oo qaybsada,18 waayo, waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa ay boqortooyada Ilaah timaado.19 Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh, Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya.20 Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay,21 laakiin eega, gacanta kan i gacangelinaya miiskay ila saaran tahay,22 waayo, Wiilka Aadanahu waa baxayaa sidii loo gooyay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas gacangelinaya.

23 Markaasay waxay bilaabeen inay dhexdooda isweyddiiyaan midkood waxan yeeli doona.

Weynaanta Runta Ah

24 Dhexdoodana waxaa ku jirtay dood ku saabsanayd midkood lagu tirinaya inuu ugu weyn yahay.25 Markaasuu ku yidhi, Quruumaha boqorradoodu ay u taliyaan iyaga, kuwa xukun ku lehna waxaa la yidhaahdaa, Wanaagfalayaal.26 Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega.27 Waayo, kee baa weyn, ma kan cuntada u fadhiya baa mise waa kan adeega? Miyaanu ahayn kan cuntada u fadhiya? Aniguse sida kan adeega ayaan idiin dhex joogaa.28 Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay.29 Waxaan idiin yeelayaa boqortooyo sida aabbahay iigu yeelay,

30 si aad wax uga cuntaan oo uga cabtaan miiskayga oo boqortooyadayda ku jira, oo waxaad ku fadhiisan doontaan carshiyo idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.

Butros Dafiriddiisii Horaa Loo Sii Sheegay

31 Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen,32 laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.33 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.

34 Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.
35 Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishadla'aan iyo qandila'aan iyo kabola'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba.36 Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado.37 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin.

38 Markaasay waxay yidhaahdeen, Sayidow, bal eeg, laba seefood ayaa halkan yaale. Wuxuu ku yidhi, Waa ku filan tahay.

Ciise Wuxuu Ku Tukaday Beer Getsemane

39 Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday.40 Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.41 Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,42 isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto.43 Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa.44 Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.45 Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.

46 Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

Ciise Waa La Qabtay

47 Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.48 Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho?49 Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa?50 Markaasaa midkood wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay.51 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey.52 Kuwa u yimid, waxa weeye, wadaaddadii sare, iyo madaxdii askarta oo macbudka, iyo waayeelladii, waxaa Ciise ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo sidaan tuug ahay?

53 Goortaan maalin walba macbudka idinkula jiri jiray, gacmo iguma aydaan soo taagi jirin, laakiin tanu waa saacaddiinna iyo xoogga gudcurka.

Butros Waa Dafiray Ciise

54 Markaasay isagii qabteen oo kaxeeyeen, oo wadaadkii sare gurigiisa ayay geliyeen. Laakiin Butros baa meel fog ka daba socday,55 oo goortay barxadda dhexdeeda dab ka shideen, oo ay wada fadhiisteen, ayaa Butros dhexdooda fadhiistay.56 Laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi, Kanuna waa la jiray isagii.57 Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii.58 Waxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi.59 Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili.60 Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey.61 Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

62 Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.

Ciise Waa Lagu Kajamay Oo Garaacay

63 Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen.64 Oo intay indhaha ka xidheen ayay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, yuu yahay kan kugu dhuftay?

65 Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya.

Ciise Oo Wadaaddadii Sare Hor Taagan

66 Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,67 Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.68 Haddaan idin weyddiiyona, iima jawaabi doontaan.69 Laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah.70 Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.71 Markaasay yidhaahdeen, Maxaannu markhaati weli ugu baahan nahay? Waayo, qudheenna ayaa afkiisa ka maqalnay.

Luke 22

1 Now the feast of unleavened bread drew nigh, which is called the Passover.2 And the chief priests and the scribes sought how they might put him to death; for they feared the people.3 And Satan entered into Judas who was called Iscariot, being of the number of the twelve.4 And he went away, and communed with the chief priests and captains, how he might deliver him unto them.5 And they were glad, and covenanted to give him money.6 And he consented, and sought opportunity to deliver him unto them in the absence of the multitude.7 And the day of unleavened bread came, on which the passover must be sacrificed.8 And he sent Peter and John, saying, Go and make ready for us the passover, that we may eat.9 And they said unto him, Where wilt thou that we make ready?10 And he said unto them, Behold, when ye are entered into the city, there shall meet you a man bearing a pitcher of water; follow him into the house whereinto he goeth.11 And ye shall say unto the master of the house, The Teacher saith unto thee, Where is the guestchamber, where I shall eat the passover with my disciples?12 And he will show you a large upper room furnished: there make ready.13 And they went, and found as he had said unto them: and they made ready the passover.14 And when the hour was come, he sat down, and the apostles with him.15 And he said unto them, With desire I have desired to eat this passover with you before I suffer:16 for I say unto you, I shall not eat it, until it be fulfilled in the kingdom of God.17 And he received a cup, and when he had given thanks, he said, Take this, and divide it among yourselves:18 for I say unto you, I shall not drink from henceforth of the fruit of the vine, until the kingdom of God shall come.19 And he took bread, and when he had given thanks, he brake it, and gave to them, saying, This is my body which is given for you: this do in remembrance of me.20 And the cup in like manner after supper, saying, This cup is the new covenant in my blood, even that which is poured out for you.21 But behold, the hand of him that betrayeth me is with me on the table.22 For the Son of man indeed goeth, as it hath been determined: but woe unto that man through whom he is betrayed!23 And they began to question among themselves, which of them it was that should do this thing.24 And there arose also a contention among them, which of them was accounted to be greatest.25 And he said unto them, The kings of the Gentiles have lordship over them; and they that have authority over them are called Benefactors.26 But ye shall not be so: but he that is the greater among you, let him become as the younger; and he that is chief, as he that doth serve.27 For which is greater, he that sitteth at meat, or he that serveth? is not he that sitteth at meat? but I am in the midst of you as he that serveth.28 But ye are they that have continued with me in my temptations;29 and I appoint unto you a kingdom, even as my Father appointed unto me,30 that ye may eat and drink at my table in my kingdom; and ye shall sit on thrones judging the twelve tribes of Israel.31 Simon, Simon, behold, Satan asked to have you, that he might sift you as wheat:32 but I made supplication for thee, that thy faith fail not; and do thou, when once thou hast turned again, establish thy brethren.33 And he said unto him, Lord, with thee I am ready to go both to prison and to death.34 And he said, I tell thee, Peter, the cock shall not crow this day, until thou shalt thrice deny that thou knowest me.35 And he said unto them, When I sent you forth without purse, and wallet, and shoes, lacked ye anything? And they said, Nothing.36 And he said unto them, But now, he that hath a purse, let him take it, and likewise a wallet; and he that hath none, let him sell his cloak, and buy a sword.37 For I say unto you, that this which is written must be fulfilled in me, And he was reckoned with transgressors: for that which concerneth me hath fulfilment.38 And they said, Lord, behold, here are two swords. And he said unto them, It is enough.39 And he came out, and went, as his custom was, unto the mount of Olives; and the disciples also followed him.40 And when he was at the place, he said unto them, Pray that ye enter not into temptation.41 And he was parted from them about a stone’s cast; and he kneeled down and prayed,42 saying, Father, if thou be willing, remove this cup from me: nevertheless not my will, but thine, be done.43 And there appeared unto him an angel from heaven, strengthening him.44 And being in an agony he prayed more earnestly; and his sweat became as it were great drops of blood falling down upon the ground.45 And when he rose up from his prayer, he came unto the disciples, and found them sleeping for sorrow,46 and said unto them, Why sleep ye? rise and pray, that ye enter not into temptation.47 While he yet spake, behold, a multitude, and he that was called Judas, one of the twelve, went before them; and he drew near unto Jesus to kiss him.48 But Jesus said unto him, Judas, betrayest thou the Son of man with a kiss?49 And when they that were about him saw what would follow, they said, Lord, shall we smite with the sword?50 And a certain one of them smote the servant of the high priest, and struck off his right ear.51 But Jesus answered and said, Suffer ye them thus far. And he touched his ear, and healed him.52 And Jesus said unto the chief priests, and captains of the temple, and elders, that were come against him, Are ye come out, as against a robber, with swords and staves?53 When I was daily with you in the temple, ye stretched not forth your hands against me: but this is your hour, and the power of darkness.54 And they seized him, and led him away, and brought him into the high priest’s house. But Peter followed afar off.55 And when they had kindled a fire in the midst of the court, and had sat down together, Peter sat in the midst of them.56 And a certain maid seeing him as he sat in the light of the fire, and looking stedfastly upon him, said, This man also was with him.57 But he denied, saying, Woman, I know him not.58 And after a little while another saw him, and said, Thou also art one of them. But Peter said, Man, I am not.59 And after the space of about one hour another confidently affirmed, saying, Of a truth this man also was with him; for he is a Galilaean.60 But Peter said, Man, I know not what thou sayest. And immediately, while he yet spake, the cock crew.61 And the Lord turned, and looked upon Peter. And Peter remembered the word of the Lord, how that he said unto him, Before the cock crow this day thou shalt deny me thrice.62 And he went out, and wept bitterly.63 And the men that held Jesus mocked him, and beat him.64 And they blindfolded him, and asked him, saying, Prophesy: who is he that struck thee?65 And many other things spake they against him, reviling him.66 And as soon as it was day, the assembly of the elders of the people was gathered together, both chief priests and scribes; and they led him away into their council, saying,67 If thou art the Christ, tell us. But he said unto them, If I tell you, ye will not believe:68 and if I ask you, ye will not answer.69 But from henceforth shall the Son of man be seated at the right hand of the power of God.70 And they all said, Art thou then the Son of God? And he said unto them, Ye say that I am.71 And they said, What further need have we of witness? for we ourselves have heard from his own mouth.