Markos 16
Ciise Waa Ka Soo Sara Kacay Kuwii Dhintay
1 Goortii sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga.2 Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday.3 Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya?4 Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa.5 Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen.6 Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.7 Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.
8 Markaasay dhaqso u soo baxeen oo xabaasha ka soo carareen, waayo, way gariireen oo yaabeen. Ninnana waxba kuma ay odhan, maxaa yeelay, way baqeen.
Ciise Baa Dad Kale U Muuqday
9 Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka ayaa Ciise sara kacay, oo markii hore wuxuu u muuqday Maryan tii reer Magdala, tii uu toddoba jinni ka saaray.10 Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya.
11 Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen.
12 Waxan dabadeed isagoo suurad kale ah ayuu u muuqday laba iyaga ah iyagoo sii socda oo beeraha tegaya.
13 Markaasay baxeen oo kuwii kale u sheegeen, kuwaasina ma ay rumaysan.
14 Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysaddarradooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed.15 Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Dunida oo dhan taga, oo uunka oo dhan injiilka ku wacdiya.16 Kii rumaysta oo la baabtiiso waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.17 Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan,
18 abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan.
Ciise Kor Buu U Baxay
19 Haddaba Rabbi Ciise goortuu la hadlay dabadeed ayaa samada loo qaaday, wuxuuna fadhiistay Ilaah midigtiisa.
20 Iyaguna way baxeen oo meel kasta oo ay tageen dadkii bay wacdiyeen, Rabbiguna waa la shaqaynayay iyaga, isagoo hadalka ku xaqiijinaya calaamooyinkii la socday. Aamiin.
Mark 16
1 And when the sabbath was past, Mary Magdalene, and Mary the mother of James, and Salome, bought spices, that they might come and anoint him.2 And very early on the first day of the week, they come to the tomb when the sun was risen.3 And they were saying among themselves, Who shall roll us away the stone from the door of the tomb?4 and looking up, they see that the stone is rolled back: for it was exceeding great.5 And entering into the tomb, they saw a young man sitting on the right side, arrayed in a white robe; and they were amazed.6 And he saith unto them, Be not amazed: ye seek Jesus, the Nazarene, who hath been crucified: he is risen; he is not here: behold, the place where they laid him!7 But go, tell his disciples and Peter, He goeth before you into Galilee: there shall ye see him, as he said unto you.8 And they went out, and fled from the tomb; for trembling and astonishment had come upon them: and they said nothing to any one; for they were afraid.9 Now when he was risen early on the first day of the week, he appeared first to Mary Magdalene, from whom he had cast out seven demons.10 She went and told them that had been with him, as they mourned and wept.11 And they, when they heard that he was alive, and had been seen of her, disbelieved.12 And after these things he was manifested in another form unto two of them, as they walked, on their way into the country.13 And they went away and told it unto the rest: neither believed they them.14 And afterward he was manifested unto the eleven themselves as they sat at meat; and he upbraided them with their unbelief and hardness of heart, because they believed not them that had seen him after he was risen.15 And he said unto them, Go ye into all the world, and preach the gospel to the whole creation.16 He that believeth and is baptized shall be saved; but he that disbelieveth shall be condemned.17 And these signs shall accompany them that believe: in my name shall they cast out demons; they shall speak with new tongues;18 they shall take up serpents, and if they drink any deadly thing, it shall in no wise hurt them; they shall lay hands on the sick, and they shall recover.19 So then the Lord Jesus, after he had spoken unto them, was received up into heaven, and sat down at the right hand of God.20 And they went forth, and preached everywhere, the Lord working with them, and confirming the word by the signs that followed. Amen.