previous next

Markos 3

Ninkii Gacanta Engegnaa Waa La Bogsiiyey

1 Kol dambe wuxuu galay sunagogga; halkaasna waxaa joogay nin gacan engegan.2 Markaasay fiirinayeen inuu sabtida bogsiinayo iyo in kale, si ay u ashtakeeyaan.3 Kolkaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Dhexda isa soo taag.4 Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen.5 Goortuu iyaga isha mariyey isagoo cadhaysan oo qalbigiisii ka tiiraanyooday qalbi engegnaantooda aawadeed, wuxuu ninkii ku yidhi, Gacanta soo taag. Kolkaasuu soo taagay, oo gacantiisu way bogsatay.

6 Markaasaa Farrisiintu baxeen, oo markiiba waxay kala tashadeen Herodosiintii si ay u dilaan isaga.

Dad Kaloo La Bogsiiyey

7 Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,8 iyo Yeruusaalem, iyo Idumiya, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo kuwa ag joogay Turos iyo Siidoon; dad tiro badan goortii ay maqleen waxa weyn ee uu samaynayay ayay u yimaadeen.9 Xertiisii wuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Doonni yar ha i sugto dadkii badnaa aawadiis si ayan ii cidhiidhiyin.10 Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.11 Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.

12 Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.

Ciise Laba Iyo Tobankiisii Rasuul

13 Goortaasuu buurta fuulay; wuu u yeedhayna kuwii uu doonayay; wayna u yimaadeen.14 Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan,15 iyo inay u leeyihiin amar ay cudurro ku bogsiiyaan oo ay jinniyo ku saaraan.16 Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey,17 iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka,18 iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo \f + \fr 3:18 Simoon reer Kaana = Simoon Qiiroleh.\fr*\f* Simoon reer Kaana,

19 iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

Ciise Iyo Be'elsebul

20 Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan.21 Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay.22 Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa.23 Kolkaasuu iyagii u yeedhay oo masaallo kugu yidhi, Sidee baa Shayddaan Shayddaan u saari karaa?24 Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto.25 Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono.26 Haddii Shayddaanna isku kaco oo qaybsamo, ma taagnaan karo. Laakiin wuxuu leeyahay dhammaansho.27 Ninna nin xoog leh gurigiisa ma geli karo inuu alaabtiisa dhaco hadduusan kolkii hore ninka xoogga leh xidhin, goortaasuu gurigiisa dhici doonaa.28 Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan;29 laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah;

30 waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.

Walaalnimada Runta Ah

31 Markaasaa waxaa yimid walaalihiis iyo hooyadiis, oo dibadday istaageen, waxayna u direen cid ugu yeedha.32 Dad badan baa agtiisa fadhiyey oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa dibadday joogaan oo waa ku doonayaan.33 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yaa ah hooyaday iyo walaalahay?34 Kolkaasuu isha mariyey kuwii agtiisa fadhiyey oo ku yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!35 Ku alla kii yeela doonistii Ilaah kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday.

Mark 3

1 And he entered again into the synagogue; and there was a man there who had his hand withered.2 And they watched him, whether he would heal him on the sabbath day; that they might accuse him.3 And he saith unto the man that had his hand withered, Stand forth.4 And he saith unto them, Is it lawful on the sabbath day to do good, or to do harm? to save a life, or to kill? But they held their peace.5 And when he had looked round about on them with anger, being grieved at the hardening of their heart, he saith unto the man, Stretch forth thy hand. And he stretched it forth; and his hand was restored.6 And the Pharisees went out, and straightway with the Herodians took counsel against him, how they might destroy him.7 And Jesus with his disciples withdrew to the sea: and a great multitude from Galilee followed; and from Judaea,8 and from Jerusalem, and from Idumaea, and beyond the Jordan, and about Tyre and Sidon, a great multitude, hearing what great things he did, came unto him.9 And he spake to his disciples, that a little boat should wait on him because of the crowd, lest they should throng him:10 for he had healed many; insomuch that as many as had plagues pressed upon him that they might touch him.11 And the unclean spirits, whensoever they beheld him, fell down before him, and cried, saying, Thou art the Son of God.12 And he charged them much that they should not make him known.13 And he goeth up into the mountain, and calleth unto him whom he himself would; and they went unto him.14 And he appointed twelve, that they might be with him, and that he might send them forth to preach,15 and to have authority to cast out demons:16 and Simon he surnamed Peter;17 and James the son of Zebedee, and John the brother of James; and them he surnamed Boanerges, which is, Sons of thunder:18 and Andrew, and Philip, and Bartholomew, and Matthew, and Thomas, and James the son of Alphaeus, and Thaddaeus, and Simon the Cananaean,19 and Judas Iscariot, who also betrayed him. And he cometh into a house.20 And the multitude cometh together again, so that they could not so much as eat bread.21 And when his friends heard it, they went out to lay hold on him: for they said, He is beside himself.22 And the scribes that came down from Jerusalem said, He hath Beelzebub, and, By the prince of the demons casteth he out the demons.23 And he called them unto him, and said unto them in parables, How can Satan cast out Satan?24 And if a kingdom be divided against itself, that kingdom cannot stand.25 And if a house be divided against itself, that house will not be able to stand.26 And if Satan hath risen up against himself, and is divided, he cannot stand, but hath an end.27 But no one can enter into the house of the strong man, and spoil his goods, except he first bind the strong man; and then he will spoil his house.28 Verily I say unto you, All their sins shall be forgiven unto the sons of men, and their blasphemies wherewith soever they shall blaspheme:29 but whosoever shall blaspheme against the Holy Spirit hath never forgiveness, but is guilty of an eternal sin:30 because they said, He hath an unclean spirit.31 And there come his mother and his brethren; and, standing without, they sent unto him, calling him.32 And a multitude was sitting about him; and they say unto him, Behold, thy mother and thy brethren without seek for thee.33 And he answereth them, and saith, Who is my mother and my brethren?34 And looking round on them that sat round about him, he saith, Behold, my mother and my brethren!35 For whosoever shall do the will of God, the same is my brother, and sister, and mother.