Markos 4
Masaalka Ku Saabsan Beerreyga
1 Haddana wuxuu bilaabay inuu badda agteeda wax ku baro, oo waxaa u soo ururay dad badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay, wuxuuna fadhiistay badda, dadkii badnaana waxay joogeen badda xeebteeda.2 Markaasuu wax badan masaallo ku baray, oo intuu wax barayay ayuu iyaga ku yidhi,3 Dhegaysta, waxaa baxay beerrey inuu wax beero.4 Intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.5 Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,6 laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.7 Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay, oo midho ma ay dhalin.8 Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen, oo intay baxeen ayay koreen oo midho dhaleen. Mid wuxuu dhalay soddon, midna lixdan, midna boqol.
9 Oo wuxuu ku yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
Sida Loo Isticmaalo Masaallada
10 Goortuu keligiis ahaa kuwii la joogay iyo laba-iyo-tobankii wax bay masaalladii ka weyddiiyeen.11 Kolkaasuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada Ilaah garataan, laakiin kuwa dibadda jooga wax walba waxaa loogu sheegaa masaallo,
12 si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan, si ayan u soo noqon oo aan loo cafiyin.
Micnaynta Masaalka Beerreyga
13 Wuxuuna iyaga ku yidhi, Miyaydnaan masaalkan garanaynin? Sidee baad masaalladii oo dhan u garan doontaan?14 Beerreygu wuxuu beeraa hadalka.15 Waa kuwan kuwii jidka yiil meeshii hadalka lagu beeray, oo goortay maqlaan, Shayddaan baa kolkiiba yimaada oo ka qaada hadalkii lagu beeray iyaga.16 Si la mid ahna kuwan waa kuwii dhul dhagax ah lagu beeray, kuwii goortay hadalkii maqlaanba kolkiiba farxad bay ku qaataan;17 xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar bay sii jiraan, markii dambe goortii dhib ama silac u dhoco hadalka aawadiis, markiiba way ka xumaadaan.18 Kuwanna waa kuwii qodxanta lagu dhex beeray, kuwa hadalka maqla,19 laakiin kawelwelidda dunidan, iyo sasabidda maalka, iyo damacyada wax kale ayaa gala oo hadalkii ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan.
20 Kuwanna waa kuwii dhulka wanaagsan lagu beeray, kuwa hadalka maqla, oo aqbala, oo midho soo dhala, mid soddon, midna lixdan, midna boqol.
Waxa Laga Barto Laambadda Iyo Abuurka
21 Wuxuuna iyaga ku yidhi, Ilays ma waxaa loo keenaa in la hoos geliyo weel ama sariir? Sow lama saaro meeshii ilayska?22 Wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, oo wax daboolanna ma jiro oo aan bannaan soo bixi doonin.23 Haddii nin leeyahay dhego uu wax ku maqlo ha maqlo.24 Kolkaasuu ku yidhi, U fiirsada waxaad maqlaysaan; qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doona oo ayaa laydiin kordhin doonaa.
25 Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.
26 Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha.27 Isagu waa hurdaa, waana kacaa maalin iyo habeenba, oo abuurku waa baxaa oo weynaadaa, laakiin si ay tahay isagu garan maayo.28 Dhulka keligiis ayaa midhaha bixiya, horta jirridda, dabadeed sabuulka, dabadeedna sabuulka midho ka buuxsama.
29 Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa, waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid.
30 Wuxuuna yidhi, Maxaynu boqortooyadii Ilaah la masaysiinnaa, oo masaalkee baynu u ekaysiinnaa?31 Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan.
32 Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan, oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbirraha cirku hooskeeda ugu degaan.
33 Masaallo badan oo tan oo kale ah ayuu ereyga kula hadlay intii ay maqli karayeen.
34 Laakiin masaalla'aan kulama uu hadlin, oo markay keligood ahaayeen ayuu wax walba xertiisii u fasiray.
Ciisaa Duufaantii Dejiyey
35 Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee.36 Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen.37 Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay.38 Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno?39 Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday.40 Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn?41 Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?
Mark 4
1 And again he began to teach by the sea side. And there is gathered unto him a very great multitude, so that he entered into a boat, and sat in the sea; and all the multitude were by the sea on the land.2 And he taught them many things in parables, and said unto them in his teaching,3 Hearken: Behold, the sower went forth to sow:4 and it came to pass, as he sowed, some seed fell by the way side, and the birds came and devoured it.5 And other fell on the rocky ground, where it had not much earth; and straightway it sprang up, because it had no deepness of earth:6 and when the sun was risen, it was scorched; and because it had no root, it withered away.7 And other fell among the thorns, and the thorns grew up, and choked it, and it yielded no fruit.8 And others fell into the good ground, and yielded fruit, growing up and increasing; and brought forth, thirtyfold, and sixtyfold, and a hundredfold.9 And he said, Who hath ears to hear, let him hear.10 And when he was alone, they that were about him with the twelve asked of him the parables.11 And he said unto them, Unto you is given the mystery of the kingdom of God: but unto them that are without, all things are done in parables:12 that seeing they may see, and not perceive; and hearing they may hear, and not understand; lest haply they should turn again, and it should be forgiven them.13 And he saith unto them, Know ye not this parable? and how shall ye know all the parables?14 The sower soweth the word.15 And these are they by the way side, where the word is sown; and when they have heard, straightway cometh Satan, and taketh away the word which hath been sown in them.16 And these in like manner are they that are sown upon the rocky places, who, when they have heard the word, straightway receive it with joy;17 and they have no root in themselves, but endure for a while; then, when tribulation or persecution ariseth because of the word, straightway they stumble.18 And others are they that are sown among the thorns; these are they that have heard the word,19 and the cares of the world, and the deceitfulness of riches, and the lusts of other things entering in, choke the word, and it becometh unfruitful.20 And those are they that were sown upon the good ground; such as hear the word, and accept it, and bear fruit, thirtyfold, and sixtyfold, and a hundredfold.21 And he said unto them, Is the lamp brought to be put under the bushel, or under the bed, and not to be put on the stand?22 For there is nothing hid, save that it should be manifested; neither was anything made secret, but that it should come to light.23 If any man hath ears to hear, let him hear.24 And he said unto them, Take heed what ye hear: with what measure ye mete it shall be measured unto you; and more shall be given unto you.25 For he that hath, to him shall be given: and he that hath not, from him shall be taken away even that which he hath.26 And he said, So is the kingdom of God, as if a man should cast seed upon the earth;27 and should sleep and rise night and day, and the seed should spring up and grow, he knoweth not how.28 The earth beareth fruit of herself; first the blade, then the ear, then the full grain in the ear.29 But when the fruit is ripe, straightway he putteth forth the sickle, because the harvest is come.30 And he said, How shall we liken the kingdom of God? or in what parable shall we set it forth?31 It is like a grain of mustard seed, which, when it is sown upon the earth, though it be less than all the seeds that are upon the earth,32 yet when it is sown, groweth up, and becometh greater than all the herbs, and putteth out great branches; so that the birds of the heaven can lodge under the shadow thereof.33 And with many such parables spake he the word unto them, as they were able to hear it;34 and without a parable spake he not unto them: but privately to his own disciples he expounded all things.35 And on that day, when even was come, he saith unto them, Let us go over unto the other side.36 And leaving the multitude, they take him with them, even as he was, in the boat. And other boats were with him.37 And there ariseth a great storm of wind, and the waves beat into the boat, insomuch that the boat was now filling.38 And he himself was in the stern, asleep on the cushion: and they awake him, and say unto him, Teacher, carest thou not that we perish?39 And he awoke, and rebuked the wind, and said unto the sea, Peace, be still. And the wind ceased, and there was a great calm.40 And he said unto them, Why are ye fearful? have ye not yet faith?41 And they feared exceedingly, and said one to another, Who then is this, that even the wind and the sea obey him?