previous next

Matayos 21

Ciise Guul Buu Ku Galay Yeruusaalem

1 Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaage galeen ilaa Buur Saytuun, markaasaa Ciise laba xer ah diray,2 oo wuxuu ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba waxaad ka helaysaan dameer xidhan iyo qayl la jooga. Soo fura oo ii keena,3 oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa.4 Waxanu waa dhaceen in la arko wixii nebiga lagaga dhex hadlay markuu yidhi,5 Iyo qayl dameereed.6 Markaasaa xertii tagtay, oo sida Ciise ku amray ayay yeeleen.7 Dameertii iyo qaylkii ayay keeneen, oo dharkoodii bay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay.8 Dadka badidooda ayaa dharkoodii jidka ku goglay, qaar kalena laamo ayay geedaha ka soo jareen oo jidka ku gogleen.9 Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, \f + \fr 21:9 Hoosanna = hadal ammaan ah.\fr*\f*Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.10 Oo goortuu Yeruusaalem galay, magaalada oo dhan waa kacsanayd, iyagoo leh, Kanu yuu yahay?

11 Dadkii badnaa ayaa yidhi, Kanu waa nebiga Ciise la yidhaahdo oo ka yimid Naasared tii Galili.

Ciise Macbudkuu Nadiifiyey

12 Ciise wuxuu galay macbudka Ilaah oo ka eryay kulli kuwii macbudka wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay, oo wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay.13 Wuxuuna ku yidhi, Waa qoran tahay, Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guriga tukashada, laakiin waxaad ka dhigaysaan god tuugo.14 Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey.15 Laakiin wadaaddada sare iyo culimmadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen16 oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga?

17 Markaasuu ka tegey iyaga oo magaaladii ka baxay ilaa Beytaniya, oo halkaasuu ku hoyday.

Geedka Berdaha Ah Oo Aan Waxba Dhalin

18 Aroortii goortuu magaaladii ku soo noqonayay, wuu gaajaysnaa.19 Oo wuxuu arkay geed berde ah oo jidka ku ag yaal, kolkaasuu u yimid, waxbana kama uu helin, caleemo keliya maahee. Oo wuxuu ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa midho yaanay kaa bixin, oo kolkiiba geedkii berdaha ahaa waa engegay.20 Xertii goortay arkeen way yaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Geedkii berdaha ahaa sidee buu kolkiiba u engegay?21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad rumaysan tihiin oo aydnaan shakiyin, wixii geedkii berdaha ahaa ku dhacay oo keliya ma aad samayn doontaan, laakiin weliba haddaad buurtan ku tidhaahdaan, Ruq, baddana isku tuur, way noqonaysaa.

22 Oo wax kasta oo aad tukasho ku baridaan idinkoo rumaysan waad heli doontaan.

Ciise Amarkiisii Baa Wax Laga Weyddiiyey

23 Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey?24 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.25 Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?26 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan.

27 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

Masaalka Ku Saabsan Labada Wiil

28 Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee.29 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday.30 Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin.31 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah.

32 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.

Masaalka Ku Saabsan Beerta Canabka Ah

33 Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.34 Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan.35 Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen.36 Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen.37 Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan.38 Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee.39 Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen.40 Haddaba sayidkii beerta canabka ah goortuu yimaado, muxuu beerreydaas ku samayn doonaa?41 Waxay ku yidhaahdeen, Nimankaas belaayada ah si baas buu u baabbi'in doonaa; beerta canabka ahna wuxuu u kiraysan doonaa beerrey kale, kuwa isaga siin doona midhihiisa xilligooda.42 Oo waa ku yaab indhahayaga?43 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya.

44 Oo kan dhagaxan ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, oo kan uu ku dhaco, wuu burburin doonaa.
45 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii goortay masaalladiisii maqleen waxay garteen inuu iyagu ka hadlay.46 Goortay dooneen inay qabtaan ayay dadkii badnaa ka baqeen, waayo, waxay u haysteen nebi.

Matthew 21

1 And when they drew nigh unto Jerusalem, and came unto Bethphage, unto the mount of Olives, then Jesus sent two disciples,2 saying unto them, Go into the village that is over against you, and straightway ye shall find an ass tied, and a colt with her: loose them, and bring them unto me.3 And if any one say aught unto you, ye shall say, The Lord hath need of them; and straightway he will send them.4 Now this is come to pass, that it might be fulfilled which was spoken through the prophet, saying,

5 Tell ye the daughter of Zion, Behold, thy King cometh unto thee, Meek, and riding upon an ass, And upon a colt the foal of an ass.

6 And the disciples went, and did even as Jesus appointed them,7 and brought the ass, and the colt, and put on them their garments; and he sat thereon.8 And the most part of the multitude spread their garments in the way; and others cut branches from the trees, and spread them in the way.9 And the multitudes that went before him, and that followed, cried, saying, Hosanna to the son of David: Blessed is he that cometh in the name of the Lord; Hosanna in the highest.10 And when he was come into Jerusalem, all the city was stirred, saying, Who is this?11 And the multitudes said, This is the prophet, Jesus, from Nazareth of Galilee.

12 And Jesus entered into the temple of God, and cast out all them that sold and bought in the temple, and overthrew the tables of the money-changers, and the seats of them that sold the doves;13 and he saith unto them, It is written, My house shall be called a house of prayer: but ye make it a den of robbers.14 And the blind and the lame came to him in the temple; and he healed them.15 But when the chief priests and the scribes saw the wonderful things that he did, and the children that were crying in the temple and saying, Hosanna to the son of David; they were moved with indignation,16 and said unto him, Hearest thou what these are saying? And Jesus saith unto them, Yea: did ye never read, Out of the mouth of babes and sucklings thou has perfected praise?17 And he left them, and went forth out of the city to Bethany, and lodged there.

18 Now in the morning as he returned to the city, he hungered.19 And seeing a fig tree by the way side, he came to it, and found nothing thereon, but leaves only; and he saith unto it, Let there be no fruit from thee henceforward for ever. And immediately the fig tree withered away.20 And when the disciples saw it, they marvelled, saying, How did the fig tree immediately wither away?21 And Jesus answered and said unto them, Verily I say unto you, If ye have faith, and doubt not, ye shall not only do what is done to the fig tree, but even if ye shall say unto this mountain, Be thou taken up and cast into the sea, it shall be done.22 And all things, whatsoever ye shall ask in prayer, believing, ye shall receive.

23 And when he was come into the temple, the chief priests and the elders of the people came unto him as he was teaching, and said, By what authority doest thou these things? and who gave thee this authority?24 And Jesus answered and said unto them, I also will ask you one question, which if ye tell me, I likewise will tell you by what authority I do these things.25 The baptism of John, whence was it? from heaven or from men? And they reasoned with themselves, saying, If we shall say, From heaven; he will say unto us, Why then did ye not believe him?26 But if we shall say, From men; we fear the multitude; for all hold John as a prophet.27 And they answered Jesus, and said, We know not. He also said unto them, Neither tell I you by what authority I do these things.28 But what think ye? A man had two sons; and he came to the first, and said, Son, go work to-day in the vineyard.29 And he answered and said, I will not: but afterward he repented himself, and went.30 And he came to the second, and said likewise. And he answered and said, I go, sir: and went not.31 Which of the two did the will of his father? They say, The first. Jesus saith unto them, Verily I say unto you, that the publicans and the harlots go into the kingdom of God before you.32 For John came unto you in the way of righteousness, and ye believed him not; but the publicans and the harlots believed him: and ye, when ye saw it, did not even repent yourselves afterward, that ye might believe him.

33 Hear another parable: There was a man that was a householder, who planted a vineyard, and set a hedge about it, and digged a winepress in it, and built a tower, and let it out to husbandmen, and went into another country.34 And when the season of the fruits drew near, he sent his servants to the husbandmen, to receive his fruits.35 And the husbandmen took his servants, and beat one, and killed another, and stoned another.36 Again, he sent other servants more than the first: and they did unto them in like manner.37 But afterward he sent unto them his son, saying, They will reverence my son.38 But the husbandmen, when they saw the son, said among themselves, This is the heir; come, let us kill him, and take his inheritance.39 And they took him, and cast him forth out of the vineyard, and killed him.40 When therefore the lord of the vineyard shall come, what will he do unto those husbandmen?41 They say unto him, He will miserably destroy those miserable men, and will let out the vineyard unto other husbandmen, who shall render him the fruits in their seasons.42 Jesus saith unto them, Did ye never read in the scriptures, The stone which the builders rejected, The same was made the head of the corner; This was from the Lord, And it is marvelous in our eyes?

43 Therefore say I unto you, The kingdom of God shall be taken away from you, and shall be given to a nation bringing forth the fruits thereof.44 And he that falleth on this stone shall be broken to pieces: but on whomsoever it shall fall, it will scatter him as dust.45 And when the chief priests and the Pharisees heard his parables, they perceived that he spake of them.46 And when they sought to lay hold on him, they feared the multitudes, because they took him for a prophet.