Matayos 22
Masaalka Ku Saabsan Diyaafadda Arooska
1 Ciise ayaa u jawaabay oo mar kale masaallo kula hadlay, oo wuxuu yidhi,2 Boqortooyada jannada waxay la mid tahay sidii boqor wiilkiisa aroos u dhigay.3 Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan.4 Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.5 Laakiin way fududaysteen, oo iska tageen, mid beertiisuu aaday, mid kalena wuxuu aaday baayacmushtarigiisii.6 Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen.7 Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay.8 Markaasuu addoommadiisii ku yidhi, Arooskii waa diyaar, kuwii loo yeedhayse ma ay istaahilin.9 Haddaba taga meesha jidadka ku kala leexdaan, oo in alla intaad heshaan arooska ugu yeedha.10 Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen, oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti.11 Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,12 oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.13 Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
14 Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.
Wax Ku Saabsan Cashuurta Kaysar La Siinayo
15 Markaasaa Farrisiintii baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay hadalkiisa ugu qabtaan.16 Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay, oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid.17 Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?18 Laakiin Ciise ayaa sharkoodii gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan, labawejiilayaal yahow?19 I tusa lacagta cashuurta. Kolkaasay u keeneen dinaar.20 Wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan?21 Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh. Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.
22 Oo goortay taas maqleen, way yaabeen, wayna iska daayeen oo ka tageen.
Sarakicidda Kuwii Dhintay
23 Maalintaas waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen,24 oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu yidhi, Haddii nin dhinto isagoo aan carruur lahayn, walaalkiis waa inuu naagtiisa dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.25 Waxaa nala jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey ayaa guursaday, wuuna dhintay, dhalna ma lahayn, wuxuuna naagtiisii uga tegey walaalkiis.26 Sidaas oo kalaa ku dhacday kii labaad, iyo kii saddexaad ilaa kii toddobaad.27 Markay wada dhinteen dabadeed naagtiina waa dhimatay.28 Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay toddobadoodii kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, kulligood way wada guursadeen iyada.29 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad qaldan tihiin oo garan maysaan Qorniinka iyo xoogga Ilaah.30 Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira.31 Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi,32 Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.
33 Dadkii badnaa goortay taas maqleen ayay waxbariddiisii ka yaabeen.
Qaynuunka Ugu Weyn
34 Laakiin Farrisiintii goortay maqleen inuu Sadukiintii aamusiiyey ayay isu yimaadeen.35 Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi,36 Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn?37 Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan.38 Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya.39 Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.
40 Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.
Wax Masiixa Ku Saabsan
41 Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weyddiiyey,42 oo wuxuu ku yidhi, Yuu idinla yahay Masiixu? Waa ina ayo? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Waa ina Daa'uud.43 Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh,44 Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.45 Haddaba Daa'uud hadduu ugu yeedhay isaga Sayid, sidee buu wiilkiisa u yahay?46 Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.
Matthew 22
1 And Jesus answered and spake again in parables unto them, saying,2 The kingdom of heaven is likened unto a certain king, who made a marriage feast for his son,3 and sent forth his servants to call them that were bidden to the marriage feast: and they would not come.4 Again he sent forth other servants, saying, Tell them that are bidden, Behold, I have made ready my dinner; my oxen and my fatlings are killed, and all things are ready: come to the marriage feast.5 But they made light of it, and went their ways, one to his own farm, another to his merchandise;6 and the rest laid hold on his servants, and treated them shamefully, and killed them.7 But the king was wroth; and he sent his armies, and destroyed those murderers, and burned their city.8 Then saith he to his servants, The wedding is ready, but they that were bidden were not worthy.9 Go ye therefore unto the partings of the highways, and as many as ye shall find, bid to the marriage feast.10 And those servants went out into the highways, and gathered together all as many as they found, both bad and good: and the wedding was filled with guests.11 But when the king came in to behold the guests, he saw there a man who had not on a wedding-garment:12 and he saith unto him, Friend, how camest thou in hither not having a wedding-garment? And he was speechless.13 Then the king said to the servants, Bind him hand and foot, and cast him out into the outer darkness; there shall be the weeping and the gnashing of teeth.14 For many are called, but few chosen.
15 Then went the Pharisees, and took counsel how they might ensnare him in his talk.16 And they send to him their disciples, with the Herodians, saying, Teacher, we know that thou art true, and teachest the way of God in truth, and carest not for any one: for thou regardest not the person of men.17 Tell us therefore, What thinkest thou? Is it lawful to give tribute unto Caesar, or not?18 But Jesus perceived their wickedness, and said, Why make ye trial of me, ye hypocrites?19 Show me the tribute money. And they brought unto him a denarius.20 And he saith unto them, Whose is this image and superscription?21 They say unto him, Caesar’s. Then saith he unto them, Render therefore unto Caesar the things that are Caesar’s; and unto God the things that are God’s.22 And when they heard it, they marvelled, and left him, and went away.
23 On that day there came to him Sadducees, they that say that there is no resurrection: and they asked him,24 saying, Teacher, Moses said, If a man die, having no children, his brother shall marry his wife, and raise up seed unto his brother.25 Now there were with us seven brethren: and the first married and deceased, and having no seed left his wife unto his brother;26 in like manner the second also, and the third, unto the seventh.27 And after them all, the woman died.28 In the resurrection therefore whose wife shall she be of the seven? for they all had her.29 But Jesus answered and said unto them, Ye do err, not knowing the scriptures, nor the power of God.30 For in the resurrection they neither marry, nor are given in marriage, but are as angels in heaven.31 But as touching the resurrection of the dead, have ye not read that which was spoken unto you by God, saying,32 I am the God of Abraham, and the God of Isaac, and the God of Jacob? God is not the God of the dead, but of the living.33 And when the multitudes heard it, they were astonished at his teaching.
34 But the Pharisees, when they heard that he had put the Sadducees to silence, gathered themselves together.35 And one of them, a lawyer, asked him a question, trying him:36 Teacher, which is the great commandment in the law?37 And he said unto him, Thou shalt love the Lord thy God with all thy heart, and with all thy soul, and with all thy mind.38 This is the great and first commandment.39 And a second like unto it is this, Thou shalt love thy neighbor as thyself.40 On these two commandments the whole law hangeth, and the prophets.
41 Now while the Pharisees were gathered together, Jesus asked them a question,42 saying, What think ye of the Christ? whose son is he? They say unto him, The son of David.43 He saith unto them, How then doth David in the Spirit call him Lord, saying,
44 The Lord said unto my Lord, Sit thou on my right hand, Till I put thine enemies underneath thy feet?
45 If David then calleth him Lord, how is he his son?46 And no one was able to answer him a word, neither durst any man from that day forth ask him any more questions.