Matayos 5
Wacdigii Ciise Dadka Ku Wacdiyey Markuu Buurta Joogay
1 Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid.
2 Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.
Kuwa Barakaysan
3 Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.4 Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa.5 Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan.6 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan.7 Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa.8 Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan.9 Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah.10 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday.
12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
Wixii Laga Bartay Cusbo Iyo Laambad
13 Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee.14 Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto.15 Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan.
16 Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.
Sharcigii Hore Iyo Sharciga Ciise
17 Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi'iyo; uma aan iman inaan baabbi'iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo18 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan.19 Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada.
20 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.
Cadhada Iyo Dhiigqabidda
21 Waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad dhiig qabin; kii dhiig qabaa wuxuu galabsadaa xukunka.22 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo walaalkiis u cadhoodaa wuxuu galabsadaa xukunka, oo kii walaalkiis ku yidhaahda, Nacas yahow, wuxuu galabsadaa in shirka la geeyo, oo kii yidhaahda, Doqon yahow, wuxuu galabsadaa jahannamada dabka ah.23 Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto,24 hadiyaddaada ku dhaaf meeshii allabariga horteeda, tag, oo horta walaalkaa la soo heshii, dabadeed kaalay oo hadiyaddaada bixi.25 Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin.
26 Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.
Daahirla'aanta
27 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan.28 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay.29 Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa.30 Gacantaada midig hadday ku xumayso, iska jar oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada geli lahaa.31 Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo.
32 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.
Dhaaraha Iyo Runsheegidda
33 Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada.34 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah.35 Dhulkana ha ku dhaaranina, waayo, waa meeshuu cagihiisa dhigo; Yeruusaalemna ha ku dhaaranina, waayo, waa magaaladii Boqorkii weynaa.36 Madaxaagana ha ku dhaaran, waayo, tin keliya kama dhigi kartid caddaan ama madow.
37 Laakiin hadalkiinnu ha ahaado, Haah, haah, maya, maya; wixii intaas ka badan sharkuu ka yimaadaa.
Aargudashada
38 Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido.39 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi,40 oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa,41 oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco.
42 Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.
Jacaylka Iyo Dabeecadda Daahirka Ah
43 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid,44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,45 si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba.46 Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn?47 Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn?48 Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.
Matthew 5
1 And seeing the multitudes, he went up into the mountain: and when he had sat down, his disciples came unto him:2 and he opened his mouth and taught them, saying,
3 Blessed are the poor in spirit: for theirs is the kingdom of heaven.
4 Blessed are they that mourn: for they shall be comforted.
5 Blessed are the meek: for they shall inherit the earth.
6 Blessed are they that hunger and thirst after righteousness: for they shall be filled.
7 Blessed are the merciful: for they shall obtain mercy.
8 Blessed are the pure in heart: for they shall see God.
9 Blessed are the peacemakers: for they shall be called sons of God.
10 Blessed are they that have been persecuted for righteousness’ sake: for theirs is the kingdom of heaven.11 Blessed are ye when men shall reproach you, and persecute you, and say all manner of evil against you falsely, for my sake.12 Rejoice, and be exceeding glad: for great is your reward in heaven: for so persecuted they the prophets that were before you.
13 Ye are the salt of the earth: but if the salt have lost its savor, wherewith shall it be salted? it is thenceforth good for nothing, but to be cast out and trodden under foot of men.14 Ye are the light of the world. A city set on a hill cannot be hid.15 Neither do men light a lamp, and put it under the bushel, but on the stand; and it shineth unto all that are in the house.16 Even so let your light shine before men; that they may see your good works, and glorify your Father who is in heaven.
17 Think not that I came to destroy the law or the prophets: I came not to destroy, but to fulfil.18 For verily I say unto you, Till heaven and earth pass away, one jot or one tittle shall in no wise pass away from the law, till all things be accomplished.19 Whosoever therefore shall break one of these least commandments, and shall teach men so, shall be called least in the kingdom of heaven: but whosoever shall do and teach them, he shall be called great in the kingdom of heaven.20 For I say unto you, that except your righteousness shall exceed the righteousness of the scribes and Pharisees, ye shall in no wise enter into the kingdom of heaven.
21 Ye have heard that it was said to them of old time, Thou shalt not kill; and whosoever shall kill shall be in danger of the judgment:22 but I say unto you, that every one who is angry with his brother shall be in danger of the judgment; and whosoever shall say to his brother, Raca, shall be in danger of the council; and whosoever shall say, Thou fool, shall be in danger of the hell of fire.23 If therefore thou art offering thy gift at the altar, and there rememberest that thy brother hath aught against thee,24 leave there thy gift before the altar, and go thy way, first be reconciled to thy brother, and then come and offer thy gift.25 Agree with thine adversary quickly, while thou art with him in the way; lest haply the adversary deliver thee to the judge, and the judge deliver thee to the officer, and thou be cast into prison.26 Verily I say unto thee, thou shalt by no means come out thence, till thou have paid the last farthing.
27 Ye have heard that it was said, Thou shalt not commit adultery:28 but I say unto you, that every one that looketh on a woman to lust after her hath committed adultery with her already in his heart.29 And if thy right eye causeth thee to stumble, pluck it out, and cast it from thee: for it is profitable for thee that one of thy members should perish, and not thy whole body be cast into hell.30 And if thy right hand causeth thee to stumble, cut it off, and cast it from thee: for it is profitable for thee that one of thy members should perish, and not thy whole body go into hell.31 It was said also, Whosoever shall put away his wife, let him give her a writing of divorcement:32 but I say unto you, that every one that putteth away his wife, saving for the cause of fornication, maketh her an adulteress: and whosoever shall marry her when she is put away committeth adultery.
33 Again, ye have heard that it was said to them of old time, Thou shalt not forswear thyself, but shalt perform unto the Lord thine oaths:34 but I say unto you, swear not at all; neither by the heaven, for it is the throne of God;35 nor by the earth, for it is the footstool of his feet; nor by Jerusalem, for it is the city of the great King.36 Neither shalt thou swear by thy head, for thou canst not make one hair white or black.37 But let your speech be, Yea, yea; Nay, nay: and whatsoever is more than these is of the evil one.
38 Ye have heard that it was said, An eye for an eye, and a tooth for a tooth:39 but I say unto you, resist not him that is evil: but whosoever smiteth thee on thy right cheek, turn to him the other also.40 And if any man would go to law with thee, and take away thy coat, let him have thy cloak also.41 And whosoever shall compel thee to go one mile, go with him two.42 Give to him that asketh thee, and from him that would borrow of thee turn not thou away.
43 Ye have heard that it was said, Thou shalt love thy neighbor, and hate thine enemy:44 but I say unto you, love your enemies, and pray for them that persecute you;45 that ye may be sons of your Father who is in heaven: for he maketh his sun to rise on the evil and the good, and sendeth rain on the just and the unjust.46 For if ye love them that love you, what reward have ye? do not even the publicans the same?47 And if ye salute your brethren only, what do ye more than others? do not even the Gentiles the same?48 Ye therefore shall be perfect, as your heavenly Father is perfect.