previous next

Muujintii 4

Riyadii Jannada Lagu Arkay

1 Waxyaalahaas dabadeed kor baan eegay oo waxaan arkay albaab samada ka furmay, oo codkii ugu horreeyey oo aan maqlay sidii buun ila hadlaya oo kale, wuxuu igu yidhi, Halkan soo fuul oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalaha waajibka ah inay hadda ka dib dhacaan.2 Haddiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo bal eeg, waxaa jiray carshi samada qotoma, oo mid baa carshigii ku fadhiyey,3 oo kii fadhiyey midabkiisu wuxuu u ekaa dhagax yasbid iyo dhagax sardiyos, oo carshigana waxaa ku wareegsanaa qaansoroobaad midabkeedu u eg yahay dhagax sumurud.4 Oo carshigii hareerihiisana waxaa yiil afar iyo labaatan carshi oo kale; oo carshiyadii dushoodana waxaan ku arkay afar iyo labaatan oday oo ku fadhiya, oo dhar cad qaba; madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab ah.5 Oo carshigiina waxaa ka soo baxay hillaac iyo codad iyo onkod. Oo waxaa jiray toddoba laambadood oo dab ah oo carshiga hortiisa ka ololaya, kuwaas oo ah toddobada Ruux oo Ilaah.6 Oo carshigii hortiisana waxaa yiil wax la mid ah bad muraayad ah oo u eg madarad, oo carshiga badhtankiisa iyo carshiga hareerihiisa waxaa joogay afar xayawaan oo hor iyo dibba indho miidhan ah.7 Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya.

8 Oo afarta xayawaan mid waluba wuxuu lahaa lix baal, oo hareerahooda iyo gudahooduba waa indho miidhan; oo habeen iyo maalin midna ma nastaan, oo waxay yidhaahdaan, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ah Ilaaha Qaadirka ah, oo jiray oo jira oo iman doona.
9 Oo marka xayawaanku ay ammaanaan oo ciseeyaan oo mahad u naqaan kan carshiga ku fadhiya oo ah kan nool weligiis iyo weligiis,10 ayaa afar iyo labaatanka oday waxay ku hor dhici doonaan kan carshiga ku fadhiya, oo waxay caabudi doonaan kan nool weligiis iyo weligiis, oo taajajkoodana waxay ku tuuri doonaan carshiga hortiisa, iyagoo leh,11 Rabbigayagow, Ilaahayagow, adigu waad istaahishaa inaad heshid ammaanta iyo cisada iyo xoogga, waayo, wax kasta adaa abuuray, maxaa yeelay, doonistaada aawadeed ayay u ahaadeen oo u abuurmeen.

Revelation 4

1 After these things I saw, and behold, a door opened in heaven, and the first voice that I heard, a voice as of a trumpet speaking with me, one saying, Come up hither, and I will show thee the things which must come to pass hereafter.2 Straightway I was in the Spirit: and behold, there was a throne set in heaven, and one sitting upon the throne;3 and he that sat was to look upon like a jasper stone and a sardius: and there was a rainbow round about the throne, like an emerald to look upon.4 And round about the throne were four and twenty thrones: and upon the thrones I saw four and twenty elders sitting, arrayed in white garments; and on their heads crowns of gold.5 And out of the throne proceed lightnings and voices and thunders. And there was seven lamps of fire burning before the throne, which are the seven Spirits of God;6 and before the throne, as it were a sea of glass like a crystal; and in the midst of the throne, and round about the throne, four living creatures full of eyes before and behind.7 And the first creature was like a lion, and the second creature like a calf, and the third creature had a face as of a man, and the fourth creature was like a flying eagle.8 and the four living creatures, having each one of them six wings, are full of eyes round about and within: and they have no rest day and night, saying, Holy, holy, holy, is the Lord God, the Almighty, who was and who is and who is to come.

9 And when the living creatures shall give glory and honor and thanks to him that sitteth on the throne, to him that liveth for ever and ever,10 the four and twenty elders shall fall down before him that sitteth on the throne, and shall worship him that liveth for ever and ever, and shall cast their crowns before the throne, saying,

11 Worthy art thou, our Lord and our God, to receive the glory and the honor and the power: for thou didst create all things, and because of thy will they were, and were created.