previous next

Rooma 10

1 Walaalayaalow, waxaan qalbigayga ka doonayaa oo Ilaah ka baryaa inay iyagu badbaadaan.2 Waayo, waxaan markhaati u furayaa inay iyagu Ilaah qiiro weyn u qabaan, laakiinse xagga aqoonta ma aha.3 Waayo, iyagoo aan ogayn xaqnimada Ilaah oo doonaya inay taagaan tooda, ayayan hoos gelin Ilaah xaqnimadiisa.

4 Waayo, Masiixu wuxuu mid kasta oo rumaysta u yahay sharciga dhammaadkiisii xagga xaqnimada.

Jidka Cusub Oo Xaqnimada Cid Kasta Buu U Furan yahay

5 Waayo, Muuse wuxuu qoray in ninkii yeelaa xaqnimada sharciga uu ku noolaan doono iyada.6 Laakiin xaqnimada rumaysadku sidanay tidhaahdaa, Qalbigaaga ha iska odhan, Yaa samada kori doona (inuu Masiix soo dejiyo)?7 Ama, Yaa yamayska hoos u geli doona (inuu Masiix kuwa dhintay ka soo sara kiciyo)?8 Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno.9 Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa,10 waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta.11 Waayo, Qorniinku wuxuu leeyahay, Ku alla kii rumaysta isaga, ceeboobi maayo.12 Waayo, Yuhuudda iyo Gariigtu waxba kuma kala duwana, waayo, isku Rabbi baa Rabbi u wada ah, waana u taajir in alla intii barida isaga.13 Waayo, ku alla kii magaca Rabbiga ku baryaa, waa badbaadi doonaa.14 Haddaba sidee bay ugu baryi doonaan kan aanay rumaysnayn? Oo sidee bay u rumaysan doonaan kan aanay maqlin? Oo sidee bay u maqli doonaan haddii aan la wacdiyin?

15 Oo sidee bay u wacdiyi doonaan haddaan la dirin? sida qoran, Qurux badanaa cagaha kuwa wax ku wacdiya waxyaalaha wanaagsan.
16 Laakiin kulligood ma ay wada dhegaysan injiilka. Waayo, Isayos wuxuu leeyahay, Rabbow, yaa rumaystay warkayagii?17 Haddaba rumaysadku wuxuu ka yimaadaa maqlidda, maqlidduna waxay ku timaadaa ereyga Masiixa.18 Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu shishaysa.19 Quruun aan wax garanayn waan idinkaga cadhaysiin doonaa.20 Waxaan u muuqday kuwo aan wax i weyddiinayn.21 Laakiin reer binu Israa'iil wuxuu ku yidhi, Maalintii oo dhan waxaan gacmahayga u kala bixinayay dad caasi ah oo muran miidhan ah.

Romans 10

1 Brethren, my heart’s desire and my supplication to God is for them, that they may be saved.2 For I bear them witness that they have a zeal for God, but not according to knowledge.3 For being ignorant of God’s righteousness, and seeking to establish their own, they did not subject themselves to the righteousness of God.4 For Christ is the end of the law unto righteousness to every one that believeth.5 For Moses writeth that the man that doeth the righteousness which is of the law shall live thereby.6 But the righteousness which is of faith saith thus, Say not in thy heart, Who shall ascend into heaven? (that is, to bring Christ down:)7 or, Who shall descend into the abyss? (That is, to bring Christ up from the dead.)8 But what saith it? The word is nigh thee, in thy mouth, and in thy heart: that is, the word of faith, which we preach:9 because if thou shalt confess with thy mouth Jesus as Lord, and shalt believe in thy heart that God raised him from the dead, thou shalt be saved:10 for with the heart man believeth unto righteousness; and with the mouth confession is made unto salvation.11 For the scripture saith, Whosoever believeth on him shall not be put to shame.12 For there is no distinction between Jew and Greek: for the same Lord is Lord of all, and is rich unto all that call upon him:13 for, Whosoever shall call upon the name of the Lord shall be saved.14 How then shall they call on him in whom they have not believed? and how shall they believe in him whom they have not heard? and how shall they hear without a preacher?15 and how shall they preach, except they be sent? even as it is written, How beautiful are the feet of them that bring glad tidings of good things!16 But they did not all hearken to the glad tidings. For Isaiah saith, Lord, who hath believed our report?17 So belief cometh of hearing, and hearing by the word of Christ.18 But I say, Did they not hear? Yea, verily, Their sound went out into all the earth, And their words unto the ends of the world.

19 But I say, Did Israel not know? First Moses saith, I will provoke you to jealousy with that which is no nation, With a nation void of understanding will I anger you.

20 And Isaiah is very bold, and saith, I was found of them that sought me not; I became manifest unto them that asked not of me.

21 But as to Israel he saith, All the day long did I spread out my hands unto a disobedient and gainsaying people.