Tiitos 2
Dabiicadda Masiixiyiinta
1 Laakiinse adigu ku hadal waxyaalaha ku habboon cilmiga runta ah.2 Odayaashu waa inay feejignaadaan oo dhug yeeshaan oo digtoonaadaan oo ay si run ah ugu socdaan iimaanka iyo jacaylka iyo dulqaadashada.3 Sidaas oo kalena habruhu waa inay asluub quduus ah lahaadaan, oo ayan noqon kuwa wax xanta, oo ayan khamri badan addoommo u noqon, laakiinse ay noqdaan kuwo wax wanaagsan dadka bara.4 Oo waa inay naagaha dhallintayar baraan inay jeclaadaan nimankooda iyo carruurtooda,5 oo ay digtoonaadaan, oo ay daahir noqdaan, oo ay gurigooda ka shaqeeyaan, oo ay wanaagsanaadaan, iyagoo nimankooda ka dambeeya, si aan ereyga Ilaah loo caayin.6 Ragga dhallinyarada ahna sidaas oo kale ku waani inay digtoonaadaan.7 Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan,8 iyo hadal run ah oo aan ceeb lahayn, si midka geesta kaa ahu u ceeboobo, oo uusan u helin wax xun oo uu inaga sheego.9 Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin,10 oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.11 Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan,12 oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno,13 innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
15 Waxyaalahan dadka kula hadal, oo ku waani, oo ku canaano, adigoo amar oo dhan leh. Oo ninna yuusan ku quudhsan.
Titus 2
1 But speak thou the things which befit the sound doctrine:2 that aged men be temperate, grave, sober-minded, sound in faith, in love, in patience:3 that aged women likewise be reverent in demeanor, not slanderers nor enslaved to much wine, teachers of that which is good;4 that they may train the young women to love their husbands, to love their children,5 to be sober-minded, chaste, workers at home, kind, being in subjection to their own husbands, that the word of God be not blasphemed:6 the younger men likewise exhort to be sober-minded:7 in all things showing thyself an ensample of good works; in thy doctrine showing uncorruptness, gravity,8 sound speech, that cannot be condemned; that he that is of the contrary part may be ashamed, having no evil thing to say of us.9 Exhort servants to be in subjection to their own masters, and to be well-pleasing to them in all things; not gainsaying;10 not purloining, but showing all good fidelity; that they may adorn the doctrine of God our Saviour in all things.11 For the grace of God hath appeared, bringing salvation to all men,12 instructing us, to the intent that, denying ungodliness and worldly lusts, we should live soberly and righteously and godly in this present world;13 looking for the blessed hope and appearing of the glory of the great God and our Saviour Jesus Christ;14 who gave himself for us, that he might redeem us from all iniquity, and purify unto himself a people for his own possession, zealous of good works.15 These things speak and exhort and reprove with all authority. Let no man despise thee.